Cabdiraxmaan Cirro: Muddo kordhin maya, maya , maya”
Eng Faysal Cali Waraabe : Madaxweyne Siilaanyo Albaabkuu ka baxayaa Maalinta xilku ka dhamaado”.
Ban Ki Moon: Somaliland Xisbiyadda Mucaaridka iyo Xukuumadda Khilaafbaa ka dhexeeya”.
Hargeysa(GNA)-“Madaxweyne Siilaanyo maalinta uu wakhtigu ka dhamaado haday doorasho dhici waydo albaabku ka baxayaa,”sidaasi waxa yidhi hogaamiyaha aanay wali muddo xileedkiisa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Qeexnayn Eng. Faysal Cali Waraabe oo Maanta ka soo laabtay safar uu dibada ugu maqnaa.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee Ucid Eng.Faysal Cali Waraabe oo markii uu soo degay ka dib qolka Nasashada ee Madaarka Caasimada kula hadlay warbaahinta ayaa ayaa sheegay in Xisbiyada mucaaridku aanay Aqbaleyn Muddo kordhin loo sameeyo xukumada Madaxweyne Siilaanyo, isaga oo tilmaamay in haaddii Doorashadu ku qabsoomiweydo wakhtigeeda ay sameyn doonan dawlad ku meel gaadh ah.
“sow Daahir Rayaale kumuu odhan jirin albaabka ha ka baxo, tii baa isagana hortaalla, dawlad baa la samaynayaa ku meel gaadha oo aan kulmiye ahayn”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Waa hadalkii ugu cuslaa ee ay Asxaabta Mucaaridku kaga sii digayaan Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo sanad iyo badh uga hadhay muddo xileedkeeda.
Waxaanu hadalkani imanayaa maalin uun ka dib markii sarkaal ka tirsan Xisbiga kale ee Waddani sheegay in qabsoomida doorashada madaxtinimadda ee dalku ku xidhantahay hadii uu Madaxweynuhu ka dhabeeyo balan qaadkii uu Goleyaasha ka hor sheegay, inkasta oo wer wer hore ay qabeen.
Eng.Faysal Cali Waraabe Sidaasi wax uu ku sheegay mar uu maanta ka soo laabtay Safar qaatan muddo Labba Todobaad ah oo ku soo maray Wadamo ay ka mid yihiin Kenya, Tansaniya iyo Itoobiya isaga oo xusay in wadamadaasi uu kala soo hadlay arrimo badan oo Somaliland u dan ah.
Geesta kale Guddoomiyaha UCID ayaa ka waramay natiijada Safar uu ku tegay waddamo dhawr ah.
Waxaanu yidhi “waxaan Maqnaa muddo labba Todobaad ah waxaan soo maray wadamada Itoobiya, Kenya, iyo Tansaaniya.
socdaalkaygu wax uu ahaa in aan la soo kulmo Dawlada Xidhiidhka inala leh iyo daneeyayaasha Dimuqraadiyada Somaliland muhiimad ugu weyna waxay ahayd in aynu ka raaridno sida aynu ugu bahanahay in laynaga caawiyo Diwaangalinta Codbixiyaasha, oo runtii ay ka wada shaqeynayeen dawlada iyo Saddexda Xisbi sidii diwaangalintasi loo sameyn lahaa”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “wax kale oo aan aad ugu sheegay muhiimad weyn ee ay inoo leedahay diwaangalinta, runtii go’aankii aanu wada saxeexnay Saddexda xisbi iyo wasarada arrimaha gudaha waan u geyey, marka waxaan ku idhi kubadu xagiina ayey taala iyaguna runtii way inoo balanqaadeen in hawshii bilaaban.”ayuu yidhi.
Waddani
Guddoomiyaha Xisbiga kale ee Mucaaridka ah, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa bishii Feberaury dabayaaqaddeedii kulan uu la yeeshay Dalad ay ku bahoobeen Ardayda Jaamacaddaha Somaliland ka sheegay inaanay aqbalayn dib u dhac ku yimaada Doorashada Madaxtinimada dalka.
“Muddo kordhin maya, Doorasho haa”ayuu saddex jeer ku cel-celiyay Cabdiraxmaan Cirro oo ay Ardaydu ka daba jiibinayeen.
Dareenka Bulshada qayb ka mida
Geesta kale hadal haynta Bulshada ee xiligan ayaa laga dareemayaa in Ololaha Muddo korodhsiga ee Madaxweynuhu iska sii cad yahay, “shanta sanadood ee kalena waa loogu celinayaa Madaxweynaya, dee mar haduu Laasqoray tegay oo uu Waddadaa dhisayo sidaasaabu ku dooranyahay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mida dadka la dhacsan siyaasadda xukuumadda iyo hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.
Dhinaca kale,Inkasta oo ay hadaladan mucaaridka ka soo yeedhayaa sawir ka bixinayaan mugdi ku jira inay qabsoomi doonaan doorashooyinka Madaxtinimada waddanku xiliga ay ku eegtahay muddo xileedka Xukuumaddu, hadana wali madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu kamay jawaab celin doodda isa soo taraysa ee Mucaaridka.
Waxaanay taasi u muuqataa in walaaca Asxaabtu uu yahay qorshe cad oo ay xukuumaddu ku talo gashantahay, kaasoo aanay dood ka bixintiisa waxba kaga mashquulayn xiligan eeay dhegaha ku maalayso.
Ban Ki Moon
Si kastaba ha ahaatee arrimahan ayaa ku soo aadaya xili todobaadkii hore Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka hadlay khilaafka u dhexeeya Xisbiya Mucaaridka iyo xukuumadda oo ah la dabooli Karin.
Muxaafidka
Waxaana muuqata in hadalka Xoghayaha uu ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan yooyootanka jira ay si weyn u dhibsadeen xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye oo kaga dareen celiyay in Ban Ki Moon iyo Ergayga u qaabilsan arrimaha Gobolka ka been abuureen waaqica dhabta ah ee ka jira Somaliland.
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com