Burco(GNA)-Xildhiban Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) Oo ka Mid ah Xildhibanada Golaha Degaanka Ee Degmada Burco ayaa Maanta wareejiyay Dirays uu ku caawiyay Shaqalaha kale Duwan Ee ka Howlgala Dowlada Hoose Degmada Burco.
Wareejinta Dirayskan oo dhacday Xafiiska Xoghayaha Dawlada hoose ee Burco ayaa waxaa ay ka koob naayeen dirays badan kuwaas oo uu xildhibaanku ugu talo galay Shaqaalaha Shaqaalaha Fayodhawrka Dawlada hoose ee Burco.
waana markii labaad ee xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi uu deeq sidan oo kale ah soo gaadhsiiyo Isagoo halkaasi hadal kooban kaso jeediyey waxaa kamid ahaa hadaladiisii "Waxaan Donayaa inaan Maanta Dirays Tiro Badan ku Warejiyo Maamulka Dowlada Hoose Burco,Dirayskani Aan Ugu Deeqay Shaqalaha Dowlada Hoose Wuxuu ka Kooban Yahay Dirays Tiro Badan Oo Aan Ugu Talo Galay Waaxyaha Nafada iyo Fayo Dhowrka Dowlada Hoose,Runtii Dirayskani Waxaan ka Keenay Wadanka Uk Oo Dhawaan ka imi,Waxanan Ugu Talo Galay inaan Tayeeyo Shaqalaha Dowlada Hoose,Deeqdani Aan Maanta ku Warejinayaa Dowlada hoose Waxay Noqonaysaa Markii Labaad Ee Deeq ku Warejiyo Shaqalaha Dowlada Hoose,Runtii Qalab Kale Oo Aan iyagana Ugu Talo Galay Dowlada Hoose Waxay Yalaan Dekeda Berbera Oo Aan Dhawaan insha-allah iyagana ku Warejin Doono Dowlada Hoose"" Ayuu Yidhi Xildhiban Mubaarig Yusuf Cilmi (Bidhi).
Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Burco Cismaan Maxamed Sheekh Oo isaguna ka Hadlay Wareejinta Deeqdani Dirayska ah Ee Loogu Talo-Galay Shaqalaha Dowlada Hoose Xildhibaan bidhi uga mahad celiyey Deeqdan dirayska ah ee uu ugu talo galay shaqaalaha dawlada hoose ee burco isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxaa kamid ahaa hadaladiisii " Runtii Waxaan Maanta Markii Labaad Deeq Uu Ugu Tallo-Galay Shaqalaha Dowlada Hoose ka Gudomayaa Xildhiban Mubaarig Bidhi Oo ah Xildhiban Firfircon Una Diyaar ah Horumarka Degmada Burco,Aad Baanan Xildhibanka Uga Mahad Celinaynaa inuu Agab Jeebkisa ah ku Warejiyo Dowlada Hoose,Dirayskani Waa Dirays Qiimo Leh Oo Anfacaya Shaqalaha Dowlada Hoose,Waxaan Bulshada Reer Burco ku Baraarujinayaa inay Shaqalaha Dowlada Hoose Tagero la Barbar istaagan si ay Kor Ugu Qaadan Tayadooda Shaqaleed" Ayuu Yidhi Xoghayaha Fulinta Dowlada Hoose Burco.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office