Pages

Wednesday, March 5, 2014

Dhinacyo Walaac ka muujiyay qaabka loo dilay Ruqiya oo ku Shiray Burco


Boqolaal ka kala socda qaybaha Bulshada, Madaxdhaqameedyo iyo wax-garad kulan ay ku yeesheen Burco baaq adag ka soo saaray + sawirro..




 



DSCF0033Burco(GNA)-Salaadiin,Cuqaal,haween iyo waxgarad ayaa maanta kulan baroor diiq ah oo ay isugu yimaadeen waxay tacsi u direen qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxday marxuumad Ruqiya siciid ayaanle oo si fool xun loogu dilay magaalada hargaysa.



sidoo kale waxay xukuumada ka dalbadeen inay sida ugu dhakhsaha badan talaabo uga qaado oo xukunkooda ku fuliso cidii falkan gaysatay.




waxa kale oo ay bulshdani ka dayriyeen dadka dilalka gaysta ee jeelasha iskaga jira,iyagoo sheegay in intii dawladani Axmed siilaanyo qabsatay dalka aan haba yaraatee wax dil ah la fulinin.DSCF0038




 



Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo kulankaas ka hadlay ayaa ka digay khatarta  dilalka noocan oo kale ahi leeyihiin.




“waxaan leeyahay Boqolaal gacan ku dhiigle ayaa  jeelasha ku jira laakiin kani wuu ka duwanyahay kuwaas,waayo intay dad tashadeen bay gurigoodii xabaal u rogeen,waxaan maqlaayay Hay,ad baa lahayd looyaraanu u qabanaynaa taasi waa dil labaad ee hal joojiyo ayaan leeyahay,waxaan leeyahay dadka noocan oo kale ah waa inaan cid u hadashaa aanay jirin”.




Caaqil C/rashiid Ducaale Cilmi ayaa isna yidhi''waxaan aad ugu hambalyaynayaa ciidanka Booliska oo uu hogaaminayo jeneral fadal dilakanina maaha dilalkii hore ee mid waxashnimo ah,dadkuna wuu kacsanyahay oo waxa sugayaa sida laga yeelo ee cadaalada loo mariyo. umada reer somaliland iyo qoyskeediina waanu ka tacsi yadaynaynaa”.DSCF0037




 



Marwo Bood Maxamed Axmed oo ka mid ah ganacsatda Gobolka Togdheer ayaa iyana sheegtay inay arintani saamayn ku yeelatay Bulshada “Dilka Ruqiya loo gaystay wax uu reebay dhacdo fool xun waxaana timi inaan dayntii aanu doonan kari wayno oo qofkii aanu dayn ku yeelanaaaba hada yidhaahdo caawa guriga iigu kaalay waxaanu dawlada ka codsanaynaa in sharciga daynta ee qofkii odhanaayo waa madani wax laga bedelo,waana in qofka khaatilka ah sharciga islaamka la mariyo oo la dilo,hada intii dawladani qabsatayna waxba lam dilin ee taas wax halaga qabto”,




Caaqil Aadan Cali Raygal,Mukhtaar Saleebaan X.yaasiin,Cawo maaweel,Cawo nooleeye,Farax Fogays  ayaa iyana dhamaantood  sheegay inay aad uga naxsanyiiin dilkan tacsina ay u dirayaan ehelkeedii waxaanay si isku mid ah bahda cadaalada ugu baaqeen in si dhakhso ah kiiskan loo rido.DSCF0034 DSCF0035 DSCF0039 DSCF0040 DSCF0041 DSCF0051




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office