Pages

Wednesday, March 5, 2014

Burco:Danyar Cadaalad daro ka cabanaya oo ku Mudaharaaday Xafiiska Gobolka


Daawo Sawirrada Dumar iyo Caruur sheegay in Wasaaradda Duulistu Indhaha ka qarsatay Dhibaatooyinkii ay gaadhsiisay sanaddo ka hor...




24Burco(GNA)-Dadwayne ka mida qoysas sanadkii hore laga raray Garoonka Diyaaradaha ee Burco ayaa cabasho ka dhan ah Wasaaradda Duulista la hortegay Xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer. 




 




 Danyarta ayaa ka cabanaya dayac iyo daryeel la’aan lagu eegayo tan iyo markii laga raray goobtii ay degenaayeen.




Waxay sheegeen inaan wax loo qabtay jirin tan iyo markii cagafta la geliyay sanad iyo badh ka hor, taasoo ay ku tilmaameen cadaalad daro.




Danyarta ayaa isugu jiray Haween, Caruur iyo Waayeel rag iyo dumarba isugu jira.




“cadaalad daro ayaa nalagu sameeyay oo dadkayagii danyarta ahaa ayaa lagu tuntay kuwii hantida iyo daaraha ku lahaan waa la daayay”sidaasi waxa yidhi Jaamac oo ka mida dadka cabanayay.




Nuur Ducaale oo ka mid ahaa dadwaynaha cabshada dhigayay ayaa isna Gobanimonews u sheegay ''Qofkasta oo muwaadin ahi xaq buuleeyahay dadkuna waa isku mid,waxaa jira cadaalad daro oo dadkii qaarna waa deganyhiin qaarna waa la raray oo dadkii danyarta ahaa ayaa la raray,qaarbaa suuqa laga ururiyay oo guryo loo dhisay,hadan halkii nalaga araray guryo dhaadheer baa ka dhisan oo aan la rarin oo qofka antiilaha ah waa la tixgaliyaa anagan waa nalagu tuntay”ayuu yidhi.




xaawa Axmed warsame oo iyaduna cabashadeeda ka hadlaysa ayaa ku  tiraabtay'' waxaanu nahay dadkii sida xun loo raray,dad danyar ah oo buulal iyo karaatoon u hoydaanu ahayn waxaanu leenahay hoos hanaloo eego”.




Saynab oo ah Gabadh Xaasley ah ayaa ku  cabatay ''dadkii danyarta ahaa ee garoonka lag raray baanu nahay sidii cagfta naloo galiyay,ee naloo raafay wax naloo qabtay ma jirto,wasiirkuna indhuhuu naga xidhay”.




Xubno ka mida Maamulka Gobolka ayaa dadweynahan ku qanciyay in wax loo qaban doono.




Hase ahaatee ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Duulista oo cabashadani toos u khusayso.




Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Burco ayaa ku yaala dacalka Barri ee Magaaladda oo ay Dhismeyaasha iyo degaamayntu hareeraha ka dhaaftay.22




 



Iyadoo afarta dhinacba ay kaga hareeraysanyihiin Dhismeyaal dhagax ah oo la dhistay intii uu qabyada ahaa.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office