Sunday, February 16, 2014

Xisbiga Waddani oo Tacsi diraya


Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), dhamaan xubnaha Hogaanka sare, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Laamaha Dibadda iyo taageerayaasha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanyeysan tacsi u dirayaan Dhamaan Reer Cabdiqaadir Faarax Gaar ahaan Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo walaalkii Marxuum Cali Cabdiqaadir Faarax ku geeriyooday magaalada London ee carriga Ingiriiska.




Waxaanu Eebe uga baryayna innu jannadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan qoyskiisii iyo qaraabadi iyo qaranka somalilandba ee uu  ka baxay Mujaahid Cali Cabdiqaadir Faarax uu  samir iyo iimaan ka siiyo




Illaahay Ha U Naxariisto Mujaahid Cali Cabdiqaadir Faarax.