Shaqaalaha Warfaafinta oo dhamaantood laga dhigay hawl-waddeenada SOLNA,Akhri wareegto
Hargaysa(GNA):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigelinta JSL Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Maanta bedelay maamulkii Wakaaladda wararka Dawladda ee SOLNA.
Wakaaladda Wararka ee SOLNA ayaa ka mida ah Waaxyaaha Wasaaradda Warfaafinta, waxaanay wararka siisaa Ideecadda Dawladda, inkasta oo aanay dhisme ahaan iyo tayo ahaanba hormarsanayn oo wax badani ka dhimanyihiin.
Wareegto uu maanta soo saaray Wasiirku ayuu laba xubnood oo cusub ugu magacaabay Guddoomiyaha Iyo Guddoomiye Ku Xigeen wakaaladda.
Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka mid ahaa hawl-wadeenada Wakaaladda ugu firin-fircoon, ayaa loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Cusub.
Wareegtada wasiirka ayaa u dhignayd sidan “Kadib Markii Aan Arkay Baahida Dardargelinta Hawlaha Kala Duwan Ee Wakaalada Wararka Ee Solna Ay U Hayso Qaranka, Waxaan Laga Bilaabo Maanta Aan U Magacaabay Xuseen Aadan Yuusuf “Kurdi” Gudoomiyaha Wakaalada Wararka Ee Solna ,Waxaa Kale Oo Aan
Gudoomiye Ku Xigeenka Wakaalada Wararka Solna U Magacaabay Yuusuf Maxamed Ismaaciil .
Geesta Kale Waxa Uu Wasiirka Warfaafintu U Magacaabay Gudoomiyihiii Hore Ee Wakaalada Wararka Ee Solna Axmed Ismaaciil Xuseen Inuu Noqdo La Taliyaha Wasiira Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta .
Wareegtadan Wasiirka Waxaa Lagu Sheegay In Dhamaanba Weriyeyaashii Wakaalada Hoostagi Jiray La Hoos Geeyay Xafiiska Madaxa Wararka Iyo Barnaamijyada Ee Radio Hargaysa.
Waxaa Kale Oo Wasiirka Warfaafintu Wareegtadan Ku Cadeeyay In Wixii Hada Ka Danbeeya Ay Weriyeyaal U Noqonayaan Wakaalada Solna Dhamaanba Weriyeyaasha Ka Hawl Gala Qaybaha Kala Duwan Ee Wasaarada Warfaafinta Sida Telefishanka Qaranka,Radio Hargaysa, Iyo Wargaysyada Dawan Media Group .