Hargeysa(GNA) – Gudoomiyaha Baarlamaanka dawlada Federaalka Somalia Prof Maxamed Cismaan Jawaari, ayaa shalay ku hakaday Madaarka Diyaaradaha ee Hargeysa.
Arrintan oo maanta mid ka mida Wargeysyada ka soo baxa Magaalada Hargeysa Daabacay ayaa dareen iyo xaasaasiyad Siyaasadddeed abuurtay.
Guddoomiyaha oo sida la sheegay la socday diyaarad ka soo qaaday Muqdisho muddd 30 daqiiqo ahna ku hakatay madaarka Hargeysa qaybtiisa qolka VIP-da ee u gaarka ah Madaxweynaha Somaliland, ayaa la sheegay inuu Wasiirka duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi amar ku bixiyey in loo furo qolkaasi oo lagu maamuso.
Maxamed Cismaan Jawaari oo ka mid ahaa rakaab u sii jeeday magaalada Shaariqa ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa isagu diyaaradii mar kala soo dhaadhacay rakaabkii safarkoodu ku ekaa Hargeysa isagoo leh ‘waar meel aanu sigaar ku cabno na siiya’,sidaasi waxa Haatuf u sheegay goob-joogeyaal.
Dhaqdhaqaaqyada iyo isu gudubta siyaasiyiinta labada dal ee Wadahadaladu u socdaan, ayaa xiligii hore xaasaasi ahaa, hase ahaatee waxa jiray heshiisyo xukuumadda Siilaanyo la gashay dhanka kale oo lagu xadidayay arrintaasi.