Pages

Monday, February 17, 2014

Waran-cadde: Maraakiibta Dagaalka ayaa lagu qalabaynayaa Ciidanka".


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa daboolka ka qaaday in Ciidaanksssssssssssssssssa ilaalada Xeebaha Somaliland lagu qalabeyn doono Maraakiib Dagaal,oo ay xukuumaddu u soo jeedsatay.




Wasiir Waran-cadde waxa uu sidaa maanta ku sheegay mar uu ka hadlayey tababar loo furey ciidaanka ilaalada xeebaha Somaliland oo lagu tababarayey sharciyada caalamiga ah, iyo sidii ay ciidaanku u sugi lahaayeen ammniga xeebaha.




Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cadde ayaa waxa uu yidhi“Waxa muuqata markii ugu danbeysay ee aynu kulanno midowga Yurub (EU-da) iyo Ingiriiska waxa la idinku tababarey maraakiibta dagaalka ingiriiska ee dushooda,oo aad tababar wanaagsan aad ka soo qaadateen”




“Maantana waxa la idiin diyaarinaya kuwo ay Somaliland
leedahay (Maraakiib) in la idiin carbiyo sidii aynu hawsha u gudan lahayn. Ciidankeena baddu waxa uu u xil-saaran-yahay dhawr arrimood oo aan qaranka Somaliland ka maarmi Karin,waad og-tihiin gobolka (Geeska Afrika) waxa in muddo ahba ka socotay budhcad badeed,waxyaabo sharci-darro oo farra baddan oo Geeskan ka socotay ayaa jirtey, waxyaabaha la idiin tababarayo ayey ka mid tahay inay baddaha Somaliland ay noqdaan baddo ammaana oo uu caalamku ku maro si nabad-gelyo ah, taasina waxay u baahan tahay in ciidanka Badda Somaliland awood baddan la siiyo, oo ah masuuliyada dawlada iyo saaxibadeeda kale ee ka caawiya arrimaha baddaha Insha Allaahu waxaanu rajeynaynaa inay taasu si dhakhso ah inoogu hirgasho, si aad uga soo baxdaan waajibaadka arrinkaas idinka saaran”.Ayuu yidhi Wasiir Cali Waran-cadde
Md.Cali Maxamed Waran-cadde waxa uu sheegay inay Somaliland leedahay badd qanniya, oo gaadheysa ilaa 800-Kilo-mitir,isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Baddaas waxa ku jira macdan,Kalluun iyo kheyraad kale oo ceegaaga badda,nasiib-darro awood umeynaan yeelan inaynu ka faa’iideysano khayraadka badda hoosteeda ku jira”




Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Awood baddan hore umaynaan haynin, in aynu ka ilaalino kuwa sida sharci-darrada baddaheena uga ugaadhsada Kalluunka,waxase aan filayaa horumarka balaadhan ee aynu hiigsaneyno ee aynu dagaalka ugu jirno, inay dhawaan noqon doonaan haddii ILAAHAY yidhaahdo ciidan xoog baddan oo uu ilaaliya shacabka, qarankeena iyo dawladeena-ba nimcada la xayo ee caalamku u tafaxeytey ee ay guranayaan”.




Gobanimo news




Hargaysa office