Wednesday, February 19, 2014

Tafaftiraha Gobanimonews Abaal-marin Caalami ah la Guddoonsiiyay +Sawirro


Hargeysa(GNA)-Afar Wariye ayaa ku guulaystay tartan Saxaafaddeed Hay’addaha Qaramada Midoobay iyo Ururadda Saxaafadda Somaliland u qabteen Wariyeyaasha ka hawl-gala Hay’daha Warbaahinta Somaliland.




 



vlcsnap-2014-02-18-21h48m14s7



Tartankan oo ay wariyeyaashu kaga qayb-galeen warbixino ay ka qoreen Arrimaha Bulshada, Baadhista Saxaafadda, Haweenka iyo Siyaasadda iyo helida adeegyada, ayaa xubnaha ku guulaystay Abaal marino lagu guddoonsiiyay Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Hudheelka Maansoor.




Xafladaasi, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Shaqada arrimaha Bulshad , Masuuliyiinta Ururka SOLJA, Saraalka ugu sareeya Hay’adda UNDP Xafiiskeeda Somaliland, madax ka socotay Asxaabta Mucaaridka ah iyo Wariyeyaal.




Afarta Wariye ee Tartanka ku guulaystay,ayaa kala ah Tafaftiraha Gobanimo News Agency Saleban Cabdi Cali (Kalshaale), Barkhad Ladiif oo Wargeyska Saxafi ka shaqeeya, Khadar Xuseen oo ah ka mida wariyeyaasha Wargeyska Yool iyo Naasir Maxamed Cabdillaahi oo Waaheen u shaqeeya.




Wariyeyaasha ayaa ku kala guulaystay  afarta Mawduuc ee Tartanku ku saabsanaa.




Masuuliyiinta ka qayb-gashay Xafladda ayaa  hambalyo u diray wariyeyaasha guulaystay, kuwa kale ee tartanka ka qayb-galay balse aan guulaysana ku bogaadiyay dedaalka ay sameeyeen.




Tafaftiraha www.gobanimonews.com  Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale) oo Xaflada shalay hawlo-shaqo kaga maqnaa ayaa Maanta Abaal-marinta lagu Guddoonsiiyay Xafiiska Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.




Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax iyo Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda UNDP, ayaa Suxufiga guddoonsiiyay Agab isugu Computer iyo qalabka wax lagu duubo,iyagoo ku hambalyeeyay dedaalka uu sameeyay.




Saleban Cabdi Cali oo halkaasi isna ka hadlay ayaa Masuuliyiinta Hay’addaha iska kaashaday hir-gelinta tartankan uga mahad-celiyay qorsheyaasha lagu horumarinayo  Suxufiyiinta, waxaanu u soo jeediyay inay halkaasi ka sii wadaan, joogteyaana mashaariicda noocan ah.




Tartankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee dalka lagu qabto, iyadoo madaxda Hay’adaha iska kaashadayna balanqaadeen inuu noqon doono mid sanadle ah. vlcsnap-2014-02-18-21h48m33s237 vlcsnap-2014-02-18-21h49m19s180 vlcsnap-2014-02-18-21h48m54s191 vlcsnap-2014-02-18-21h49m19s180




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com