Wednesday, February 19, 2014

Isuduweyaasha Wasaaradda Ganacsiga oo laga dalbaday wada shaqayn


Hargeysa(GNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Maxamed Sh Cumar Sh Xasan ayaa maanta kulan u qabtay Isuduwayaasha wasaaraddaasi ee Gobolada dalka, kaasoo lagu falanqaynayey dardargelinta wada shaqaynta xarunta Wasaaradda iyo Xafiisyada Gobolada.




Kulankan oo ka dhacay Xafiiska Wasaaradda ee Caasimadda ayaa sidoo kale lagu eegayey sidii ay guud ahaanba Gobolada iyo Degmooyinka dalku uga faa’iidaysan lahaayeen Fursadaha Maalgashi ee dalka laga hir-gelin doono.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga Maxamed Sh Cumar oo kulankaasi ka hadlay, ayaa Isu-duweyaasha u soo jeediyay inay bulshada ugu adeegaan si  hufnaan shaqo ku jirto.




Waxa uu ku waaniyay in shaqo wanaagga iyo xidhiidhka hufan ee dhexmara isuduwayaasha gobolada uu kaalin muuqata  ka qaadan karo hirgelinta mashaariicda maalgashi iyo sidii ay mashaariicda wasaaraddu dalka u wada gaadhi lahayd.




Agaasimaha Guud waxa uu kula dardaarmay isuduwayaasha in ay kala shaqeeyaan hay’adaha ku shaqada leh xakamaynta badeecadaha dhacay ee qaabka Ganacsiga  lagu soo gelinayo dalka, isagoo agaasimuhu ku bogaadiyey isuduwaha Wasaaradda ee Gobolka Sool kaalintii ay xafiis ahaan ku lahaayeen Baddeecado dhacay oo  todobaadkan lagu gubay Magaaladda Laascaanood.




Maxamed Sh Cumar waxa uu ugu dambeyn u soo jeediyey mas’uuliyinta wasaaradda ee heer Gobol inay qaybtooda ka qaataan qorshayaasha Nabad-gelyo ee lagama maarmaanka u ah Goobaha ganacsiga iyo kuwa Maalgashiga.




Wasaaradda Ganacsiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay dedaal ugu jirtay sidii loo dar-dar gelin lahaa qorsheyaasha dhinaca Maal-gashiga iyo horumarinta Ganacsiga.