Pages

Wednesday, February 19, 2014

Somaliland: Golaha Wakiillada oo laba bilood la fasaxay


Hargeysa(GNA)-Go’aankii Golaha Guurtida Oo Laba Qodob Ah Iyo Golihii Wakiilada Oo Fasax Laba Bilood Ah Galay.



Hargeysa(GNA)Golaha Guurtida Somaliland ayaa soo afjaray Murankii Golaha Wakiillada.



Fadhi ka soo hor-maray xiligii Guurtidu dalbatay in loogu daro dhexdhexaadinta labada Garab ay ka dhex waddeen, kaasoo uu shirgudoominayey gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Ergada Guurtidu labada qodob ku soo hordhigeen dhinacyada.



Labada qodob ayaa kala ah:



Qodobka koobaad: in Gudomiyaha Golaha iyo kuxigeenadiisa lagu ridi karo 42 cod.



Qodobka labaad: in muddo xileedka ka hadhsan golaha wakiilada aan la ridi Karin gudoomiyaha golaha wakiilada lana keenikarin mooshin ka dhan ah.



Si kastaba ha ahaatee, fadhigii golaha wakiilada ayaa lasoo xidhay iyadoo labada garabba ay aqbaleen go’aanka guurtida golaha wakiilada Somaliland.



Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa ku dhawaaqay in golaha wakiiladu fasax galay 2 bilood ah.