Burco(GNA)-Ugu yaraan 6 Qof ayaa ku dhintay, 12 kalena way ku dhinteen Shil Gaadhi oo ka dhacay Duleedka Magaalada Burco.
Saraakiisha Caafimaadka Cisbitaalka Burco, ayaa xaqiijiyay in la soo gaadhsiiyay tobaneeyo qof oo Shilkaasi ku dhaawacmay.
Shilka ayaa ka dhacay goor aan sidaasi u fogayn, meel wax yar u jirta Magaalada Yiroobe ee dhinaca Bari kaga beegan Magaalada Burco.
Gaadhi nooca Xamuulka qaada ah, ayaa la dhacay dadkaasi.
Waa Shilkii ugu khasaaraha badnaa ee sanadkan 2014 ka dhaca Laamiga isku xidha Burco iyo Gobollada kale ee bariga.
Sanadkii hore dhamaadkiisii ayaa shilal khasaare badan geystay ka dhaceen waddooyinka Burco iyo Deegaamada kale ee Gobolka isku xidha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Laamaha nabad-gelyada Gobolka iyo Maamulka Dawladda toona oo la xidhiidha sababta dhalisay shilkan khasaaraha badan geystay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com