Wajaale(GNA)-Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa kormeer ku soo sameeyay Mashruuca dhismaha Wadada isku xidha Wajaale iyo Kala Baydh.
Wefti oo uu hogaaminaayay wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xirsi CalI Xaaji Xasan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyada, Maareeyaha Wadooyinka Somaliland (RDA), Prof: Xasan Cali Cismaan, Xildhibaano ka mid ah xildhibaanada laga soo doortay gobolka Gabiley ee Golaha wakiilada ka midka ah kana mid ahaayeen Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe (kacaan), Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (black), iyo maamulka gobolka Gabiley oo ay horka-cayaan Gudoomiyaha Gobolka Mudane Yuusuf Ibraahin Geedi (Yamaarug), Maayarka Degmada Gabiley Mudane Shucayb Maxamed Muuse, Xildhibaano ka mida Golaha deegaanka Gabiley iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Gabiley, Mudane Cabdiraxmaan Nuur Abokor, ayaa maanta waxay kormeer ku soo galaabixiyeen Wadada beryahanba socotay ee kala baydh ilaa wajaale oo maanta la dhamaystiray 2KM oo ka mid ah halka 4 KM oo kalena loo diyaariyey in la shubo isla beriba iyada oo wadada la gaadhsiiyey Duleedka Wajaale oo la baro sidii balanku ahaa in-inta bishan ka dhiman lagu dhamaystiro lagana faraxasho oo laga jaro xadhiga hadii eebbe qadaro.
Waxaana halkaasi ka hadlay dhamaan masuuliyiinta aan kor ku soo xusan, sidoo kalena waxa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ganacsatada Tog-wajaale oo muujiyey Dareenkooda ku aadan dhismaha wadadan, soona dhaweeyay mashruucan.
Wasiirka madaxtooyada iyo Maareeyaha wadooyinka xukuumadda oo halkaasi ka hadlay ayaa mahadnaq balaadhan u soo jeediyey shaqaalaha u dibran ee wakhtigooda iyo xoogoodaba geliyey dhismaha wadadan.
Masuuliyiinta ayaa si gaar ah u xusay qaar ka mida shaqaalaha oo dhaawacyo gaadheen intii ay hawshu socotay.
Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu rejo-weyn ka qabo in waddadani xiligii loogu talo galay dhamaato “waxaan rejaynayaa wadadani ay ku hirgesho wakhtigii loogu talo galay”.

Halkan ka dhegeyso Xubnaha dawladda ee Booqday Dhismaha jidka iyo Ganacsato ka hadlay hawsha:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Masuuliyiintii-Maanta-ee-Wadada-Wajaale-kormeeray.mp3"][/audio]