Dhegeyso Hadal Wasiir Garaad Xaflad ka jeediyay oo ka cadhaysiiyay Eng Faysal Cali Waraabe iyo Maxamed Fadal oo fogeeyay Dareenkii Saxaafadda..
Hargeysa(GNA)-Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Maxamuud Axmed Garaad ayaa Xaflad uu ka dhaliilay Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Dagaal kala kulmay.
Xafladda ayaa ahayd mid abaal marin lagu siinayay Wariyeyaal ku guulaystay tartan.
Muxuu Wasiir Garaad ku yidhi tolow Faysal? bal adba nala dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiir-Garaad-2.mp3"][/audio]
Jawigii Madasha iyo Buuq ka dhashay gacan qaadkii Faysal Cali Waraabe:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Jawigii-Madasha.mp3"][/audio]
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga Waddani Maxamed Fadal ayaa isna hadal ka jeediyay Xaflad loo qabtay afar Suxufi oo abaal marin ku guulaystay.
Xoghaye Fadal, ayaa si cad u sheegay inay Xukuumaddu tacadi iyo toojar ku hayso Wariyeyaasha.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Fadal-2.mp3"][/audio]
Guddoomiyaha Ururka SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, oo munaasibadda ka hadlay ayaa isna sharaxaad ka bixiyay tartanka Wariyeyaashani ka soo baxeen iyo qorshaha Ururka SOLJA ee ku aadan horumarinta Suxufiyiinta.
Xasan ayaa Warfidiyeenada kula dardaarmay inay Ilaaliyaan Qarannimada iyo anshaxa Saxaafadda.
Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Xasan-mmp3.mp3"][/audio]