Pages

Sunday, January 19, 2014

Xaqiiqooyin Ay Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka Chelsea Iyo Manchester United oo ay inaga xigto wax saacad ka yar.


Chelsea-vs-Man-United-600x260Waxaa caawa fiidkii garoonka Stamford Bridge isku arkaya Chelsea iyo Manchester United, waxaana eegi doonaa xaqiiqooyin ay tahay inaad ogaato ciyaarta ka hor.




 




—-




 




Juan Mata ayaa shabaqa soo taabtay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee uu ku soo bilowday kana horyimid Manchester United.




 




Robin van Persie ayaa goolashii ugu badnaa ku dhaliyay Stamford Bridge in ka badan inta uu ku dhaliyay ciyaaryahan kale oo soo booqday garoonkaas horyaalka Premier League intii magacaas loo bixiyay waana lix gool.




 




Javier Hernandez ayaa lix gool dhaliyay sagaalkii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan ee uu ka horyimid Chelsea.




 




Waxaa la dhigay shan rigoore afartii kulan ee ugu danbeysay ee labadaan kooxood ku dhexmara Stamford Bridge.




 




Wayne Rooney ayaa dhaliyay afar gool afartii kulan ee ugu danbeysay ee uu booqday Stamford Bridge tartamada oo dhan.




 




Waxaa jirta 21 gool oo la iska dhaliyay afartii kulan ee ugu danbeysay ee Chelsea iyo Man United ku dhexmartay Stamford Bridge.




 




David Moyes kama uusan badinin marnaba isagoo marti u ah afarta kooxood ee dhaqan ahaan loo yaqaano mar walba kooxaha ugu waa weyn Premier League – Manchester United, Chelsea, Liverpool ama Arsenal.




 




Chelsea ayaa badisay 16 kulan lagamana badinin 19kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ku ciyaaraan Stamford Bridge.




 




Manchester United ayaa badisay shan kulan lagamana badinin todobadii kulan ee ugu danbeysay ee ay marti ahaayeen horyaalka Premier League.




 




Manchester United (4) iyo Chelsea (2) ayaa mas’uul ka ah 46% 13ka jaale ee lagu bixiyay istuurka beenta ah xilli ciyaareedkan Premier League.