Pages

Sunday, January 19, 2014

Luke Shaw Oo U Shegay Saaxiibadiis Inuu Jecel Yahay Stamford Bridge.


<> on July 17, 2013 in Girona, Spain.




Kooxda Chelsea ayaa u muuqata mid ku guuleysatay saxiixa daafaca kooxda Southampton Luke Shaw kadib markii daafacaan da’da yar uu saaxiibadiis u sheegay inuu ka tagayo kooxda isla markaana uu doonayo inuu ku biiro Chelsea.




 




Daily Express ayaa qeexday in 18-jirkaan uu doortay inuu ka hoos ciyaaro Mourinho kana doortay kooxaha Man United, Man City, Arsenal iyo Tottenham kuwaas oo indhaha ku hayay xidigaan.




 




Heshiiska uu xidigaan u £30million waa hadii kooxda Saint lagu neynaaso ay aqbasho jaceylka xidigooda da’da yar kaas oo Chelsea doonaya.




 




Heshiiskaan ayaa dhibaato u horseedi doona Ashley Cole oo dhamaaka xili ciyaareedkaan uu heshiiska ka dhici doono.




 




Ugu dambeyntii Chelsea ayaa sameyn doonta sii dabagalida arimaha Luke Shaw madama uu go’aansaday inuu Chelsea ku biiro waana fursad ugu dhaw ee ay kula saxiixan karto xidigaan.