Tuesday, January 14, 2014

Wershada Sbi Oo Soo Bandhigtay Sharaabka Cusub Ee Coca Cola Zero Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Maamulaha Warshadaasi Ka Jeediyey Munaasibadii Lagu Soo Daah Furayey


 




Wershada Sbi Oo Soo Bandhigtay Sharaabka Cusub Ee Coca Cola Zero Iyo Nuxurka Khudbadii Uu Maamulaha Warshadaasi Ka Jeediyey Munaasibadii Lagu Soo Daah Furayey




 




Wershada (Gobanimonews)14-1-2014  Sharaabka ee Somaliland Beverage Industries(SBI), ayaa shalay soo bandhigay sharaabka bilaa sonkorta ah ee loo tala galay  inay isticmaalaan dadka qaba  xanuunada macaanka iyo xanuunada kale ee sonkorta.




 




Munaasibada lagu soo bandhigayey sharaabka bilaa sonkorta ah oo loo bixiyey Coca Cola Zero  oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta Wershada Sharaabka ee SBI, macaamiisha shirkadaas iyo marti sharaf kale.




 




P000-394-255-278-18035




Ugu horeyn waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geelle  waxaanu kaga dhawaaqay inay shirkada sharaabka ee SBI ay sanadkan gudihiisa si rasmiya shaaca uga qaaday sharaabka cusub ee COCOLA  ZERO  waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Munaasibadani waa mid aanu si rasmiya ugu soo bandhigayno bulshada Somaliland iyo Puntland oo sharaabka coca-laha isticmaala, haddii aan ka waramo sharabkan Cocola Zero ilaa sagaal sano ka hor ayaa shirkada Coca Cola ku soo dartay sharaabyada kala duwan ee ay soo saarto  sagaalkaas sanadoodna ilaa 109 dal loo iibgeeyey, Somaliland-na maadaama oo aynu nahay shirkadaha ugu cusub ee sameeya sharaabka Coca Cola-ha  sanadkan 2014 ayaa si rasmiya ayaanu u soo bandhignay sharaabkan Coca Cola Zero,”




 




P000-394-255-278-12038




Maamulaha warshada sharaabka ee SBI oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay sharaabkan aad u soo dhaweeyeen dhalinyarada Somaliland iyo Puntland  waxaanu tilmaamay inaanay waxba u dhaxayn dhinaca dhadhanka sharaabka ay soo saarto warshada SBI waxaanu yidhi “sharaabka Coca Cola Zero waa sharaab guud ahaan caalamka gaar ahaana dhalinyarada aad u jeclaadeen, dadka cabaana ay u badan yihiin dhalinyarada cuslaatay, waxaanan ka rajaynayaa in Somaliland iyo Puntland-ba in sida caalamka loog jeclaaday sharaabkan ay dhalinyarada joogtaana u jeclaan doonaan dhadhanka sharaabkan, marka xaga dhadhanka la eego ma jiro wax u dhaxeeya sharaabka kale, dhalinyarada firfircoon ee ciyaaraha iyo bood boodka jecel ayaa sharaabkan aad u soo dhaweeyey , waxaanan ka rajaynayaa dhalinyarada guud ahaanba meel kasta oo ay joogaan inay sharaabkan  Coca Cola Zero u soo dhawayn doonaan sidii ay u soo dhaweeyeen sharaabka kale ee shirkadu soo saarto.” Ayuu yidhi maamulaha  warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geele.




Sidoo kale waxa munaasibadan lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo qalaama rogadka ah, kuwaas oo ay soo bandhigeen dhalinyaro aad u firfircooni.




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimogroup@gmail.com