Mudo ku dhaw bil waxa wali qabyo ah xilwareejintii Wasaarada Duulista iyo Hawada ee gobolka Awdal
oo Isuduwe Cusub loo soo magacaabay, waxana xusid mudan in xilwareejintani ay dhawr mar ooh ore baaqatay isla markaana la rumaysan yahay inay hadheyeen arimo badan oo wiiqaya dawladnimada.
Wasaaradan Duulista iyo Hawada ayaa waxa gobolka Awdal masuul uga ahaan jiray Mud. Axmed Cabi Ibraahim, kaadi oo dhawaan ay Digreeto ka soo baxday madaxda wasaaradaasi sheegaysay in xilkii Isuduwenimo u soo magacawday Mud. Cabdiwahaab Yuusuf Ibraahim, oo hore u ahaan jiray Isuduwaha Wasaarada Ciyaaraha ee gobolka Awdal.
Dhinaca kale xilwareejintan Wasaarada Duulista ayaa waxa la saadaalinayay inay qabsoonto maalinta bari ah, waxase jira warar sheegaya in laga cabsi qabo inay baaqato duruufo hadheeyay aawadeed, waxana ay mar kale tani soo shaacsaaraysaa in maamulka gobolka Awdal uu wali yahay mid ka maagaya ama ku fashilamay inuu adeegsado awoodii dawladnimo, isla markaana xilka u kal wareejiyo laba isuduwe oo la isku badalay.
Qaar ka mid ah dadwaynaha reer Boorama oo arintan indhaha ku haya ayaa dareen kala duwan ka bixiyay waxana ay qaarkood leeyihiin “Waxa meesha ka maqan fulintii oo ahayn inay la yimaadaan saraakiisha ugu saraysa maamulka gobolk aAwdal, waxa ay muujinaysaa in laba isuduwe xilka loo kala wareejin waayo mido bilk u dhaw in dalkan laga filayo inuu dimiquraadiyada ku talaabsadaa uu qabiil iyo odayaal taladood dib ugu sii siqayo, waxana hubaal ah in hadii aanan arimahaas indho dheer loo yeelan ay meel ka dhac ku tahay dawladnimada iyo dalkaba”
Sidoo kale qaar ka mid ah dadwaynaha dareenkooda dhiiibtay ayaa waxa ay yidhaaheen “Waa lagama maarmaan in wax walba laga fiirsado oo waqti la siiyo, dalku waa beelo heshiiyay waxa uu ka kooban yahay, beelahaas ogolaashahooda ayay wax walba ku socdaan, sidaas aawadeed dawladu waa dhexdhexaadiye oo kaliya mana jirto arin meesha keenaysa in xoog la isticmaalo oo qasab xilka lagu kala wareejiyo”
Dhianaca kale xilwareejintii tan ka horaysay ee Wasaarada Ciyaaraha oo iyaduba qaadatay in la soo dhiraan dhiriyo arinteeda, ayaa waxa gobolka Awdal uga masuul ahaa Xoghaya gobolka Awdal, waxana ay markaasi ku guul daysteen inay saxaafada u soo bandhigaan kala wareejinta xilkaasi, iyada oo ay ka muuqatay xafiiskii albaabadu u xidhnaayeen ee xilka lagu kal wareejiyay arimo la sheegi karo inay yihiin kuwo salka ku haya sida ay u dag tahay in xilka laga qaado ama laga wareejiyo masuul aanan raali ka ahayn, ama ay meel hoose taalo awoodii fulineed ee dawlada dhexe oo la rabay inay si cad cad uga muuqato arimahaasi oo kale
Gobanimo news.com
Borama-office