Pages

Saturday, January 18, 2014

Wasiirro kale oo la filay inay iska casilaan xukuumadda C/wali Sheikh ee Tarsan qawaday


Muqdisho(GNA)-Laba Xubnood oo ka mida ahaa Gollaha Wasiirrada xukuumadda Somalia ee xalay lagu dhawaaqay ayaa iscasilay.




Maxamud Axmed Nuur Tarsan Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaalada Muqdisho oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha  iyo Xildhiban Cabdi kaafi Macalin Xasan oo loo magacabay ku xigenka wasarada tamarta iyo biyaha, ayaa shirar jaraa’id oo ay Maanta ku qabteen Muqdisho ku sheegay inaan lagala tashan xilalka loo magacaabay, saluugeen miisaanka ay leeyihiin.




“xalay ayaan Iddeecadda ka maqlay in magacaygu ku jiro Liiska Golaha wasiirrada ee la magacaabay,in xilkaa lay magacaabona wax la tashi ah laygamala yeelan”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegay Guddoomiye Tarsan.




Dhinaca kale Xildhibaan Kaafi iyo Odayaal dhaqameedyo Gobolka Banaadir ka soo jeedda ayaa si cad u muujiyay inay saluugeen Kursiga Wasiir ku-xigeenka ah ee la siiyay.




Geesta kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay jiraan Wasiirro kale oo maalmaha soo socda iska casilaya xilalka loo magacaabay, kuwaasoo aan la magac dhabin, balse dad ku dhadhow oo Gobanimo la hadlay tibaaxayaan inay ku dhawaaqi doonaan iscasilaadooda xili aan fogayn.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Reysal-wasaaraha dawladda federaalka ah iyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, kaasoo ay kaga falcelinayaan iscasilaada xubnaha xukuumadda wali Baarlamanka la horgeyn.




Hase ahaatee go’aanka labada wasiir ku-xigeen ayaa noqonaya mid caqabad iyo kashifaad ku ah dhismaha Xukuumadda reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed, kaasoo muddo soddon maalmood guddohood laga sugayay dhismaha xukuumaddiisa.




Dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda ayaa tilmaamaya in xukuumaddan gol-daloolooyin badani ka muuqdaan, islamarkaana ay suurto gal tahay inaan Golaha Baarlamanku ansixin.




Balse sidaasooy ay tahay Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Beled-weyn ee Caasimadda Gobolka Hiiraan, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay nagacaabista golaha wasirrada.




Dhinaca kale, qaybo ka mida Bulsho-weynta Gobolka Banaadir ayaa soo dhaweeyay Xukuumadda, kuwaasoo ka filaya inay noqoto xukuumad umadda Somaliyeed u shaqaysa.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh, ayaa muuqda kuwo aan wali ka gun gaadhin dhismaha Xukuumad lagu wada qanco, waxaana lays weydiinayaa go’aanka ay ka qaadan doonaan xubnaha iska casilay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com