Pages

Saturday, January 18, 2014

Al-shabaab: Kampala ilaa New-york waxaanu ka taagaynaa Calanka Tawxiidka leh”


Buulo-burde(GNA)-Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka mid ah saraakiisha waaxda dacwada ee Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay sii xoojin doonaan.




Shangole ayaa khudbad ka jeediyey Fagaare ku yaala degmada Buule Burde ee gobolka Hiiraan oo lagu soo bandhigay saanad milateri iyo gaadiid dagaal oo xoogaga Al-shabaab ay ku qabsadeen dagaal habeeno ka hor ciidanka dowlada ay kula galeen degaanka Mahadaay.




 “Dagaal kasta oo aan galno gaal dhintay iyo hub la soo qabto ayuu ALLE ka dhigay, haddii aan gaalada sidaas la isaga dhicin diinteena ayey naga fitneynayaan, Ugandha illaa New-York calanka Towxiidka inaan ka taagno ayaan u dagaalameynaa” ayuu intaa ku daray Shiikh Fu’aad Shongole.




Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Shiikh Fu’aad Shongole in loo baahan yahay dadka muslimiinta ah iney dhulkooda ka difaacaan gaalada ku soo duushay sida uu yiri isla markaana aysan u kala harin Jihaadka.




 “Allaah gaaladii wuu jebiyey hubkiina waa ka soo qaaday wuxuu allaah na farayaa inaan gaalada la jihaadno anagoo wadajirna sida iyagaba ay noola dagaalamayaan iyagoo wadajira, Munaafiqiintu waxay u maleeyeen in Dagaalku dhamaanayo oo muslimiinta la baabi’inayo laakiin Alle mar walba diintan dad jecel oo difaacaya ayuu u soo saarayaa” ayuu intaa ku daray Shiikh Fu’aad.




Dadweyne fara badan ayaa soo buuxiyey goobta lagu soo bandhigay saanada milateri ee degmada Buulo Burde kuwaasoo Al-shabaab ay isugu yeereen si ay u daawadaan waxaa goobtaas ka dhacaya ayna u dhegeystaan khudbadaha laga jeedinayo.




Habeeno ka hor ayey aheyd markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qabsadeen degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe, halkaasoo ay ku dileen in ka badan shan askari oo ka tirsan ciidanka dowlada, iyagoo gaadiid dagaal gubay, qaar kalena qabsaday.