Pages

Thursday, January 16, 2014

Wariye Kolonbo oo VOA laga Caydhiyay iyo Waraysi uu bixiyay


Washington(GNA)-Suxufiga rug-cadaaga ah C/llaahi Nuur Maxéd (Kolombo) oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka shaqeeya Laanta Af-Soomaaliga ah ee  Idaacadda Codka Mareykanka (VOA) ayaa maanta shaqadii uu ka hayey Idaacadaasi ka ruqseystay,  kaddib markii culeys uu ka soo food-saaray C/raxmaan Yabarow oo madax ka ah Idaacadda.




Cabdilaahi Kolombo ayaa markii uu Iddeecada ka tegay Warbaahinta uga waramay sababta ka dambeysa inuu shaqada ka tago.




“Waxaa jiray maqaal aan hadda ka hor ka qoray marxaladda siyaasadeed ee dalka oo ku soo baxay shabakadaha Soomaalida.   waayo anigu suxufinimada ka soke, waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo u madax-bannaan inuu si xor ah aragtidiisa ku cabiro isbedelada dalkiisa ka dhacaya, ileyn anigu dalka wax baan ku leeyahaye,  waxaan wax ku soo bartay canshuurtii laga qaaday hooyooyinka Soomaaliyeed, damqashadeydu waxey farriin u tahay kuwa hogaanka dalka haya. Yabarow farriintii aan gudbiyey ayuu dhibsaday, wuu ila soo xiriiray wuxuu igu yiri waxaan doonayaa in maqaalkaasi aad raali gelin ka bixisid, waxaan ku iri, siddee wax aniga fikradeyda ah oo shalay aan qoray aan maanta raaligelin uga bixin, Yabarow labadeenu qasab ma aha inaan isku si wax u aragno, haddii adiga qolada hadda hogaanka dalka haya aadan wax dhaliil u hayn, dabcan anigu sababihii aan ku dhaliilay baan sheegay, aragtideyduna ma ahan mid qabali ah. Waxaa ku iri haddii hadalkaagu yahay  fikradaada sooma bandhigi kartid waa kaas furahaaga qaado nabadaadana gal. Nasiib wanaag waxaa na soo dhexgalay dad odayaal & waxgarad ah howshiina halkeedii ayaan ka si watay”ayuu yiri isagoo la hadlayay Warbaahinta.




Waxaanu intaasi ku daray  isagoo ka waramaya sida uu ku yimi shaqo ka tegistiisa iminku “Muddooyinkan Hargeysa ayuu ku maqnaa dhowaan ayuu soo laabtay, saaka ayuu ii yeeray, wuxuuna igu yiri hadal kale nooma dhexeeyo waxaan doonayaa qoraalkaagii inaad raaligelin ka bixisid waxaan ku iri waxaagu wax ka badanne  ma ina adeernimo ayaa ku jiidatay oo aad xittaa qarsan weysay, waxaan kaloo ku iri  haddii ay aniga aragtida aan qabo ay caga jugleyn & handadaad bedeleyso maalintii hore ayaan kaa yeeli lahaa. Haddii uu Xasan Shiikh kugu yiri meel aad madax ka tahay siddee wax la iigaga sheegay  cadeysto warkaaga.? markaas buu igu yiri waa sidaaas aad sheegtay Xassan Shiikh baa igu yiri.




 




S.  Kaddibna maxaa dhacay.?




 




Hadalka markii uu naga taag-taagmay ee aan isfahmi waynay ayuu taleefan  qabsaday,  askar ayuu wacay, wuxuu yiri ninkaan inuu i dilo ayaan ka baqay, kaarka shaqada ha la iiga qaado, laga billaabo saacadaana waa ruqseeyey. Askartii aniga ayey ii yimaadeen, waxeyna i weydiiyeen sida ay wax u dhaceen.




 




Maxaad is dhaafsateen adiga & askarta.?




 




 




Waxaan u sheegay in iyo ninkani waxa aan isku  haysano ay tahay, aragtidaada ma sheegi kartid & waan sheegi karaa.




Siduu qof tifaftire ka ah Idaacad caalami ah, uu  suxufi  shaqada uga ceyrin karaa.?




C/raxmaan Yabarow Idaacadiii Mareykanku uu lahaa ayuu doonayaa inuu u isticmaalo sida maqaaxi isaga u furan oo hadba sida uu doono uu ka yeelo, waa wax cajiib ah, Soomaalidu waxey tiraa (Amaano kugu raagtay inaad leedahay baad is moodaa)   biniįadanka sharci & nidaam baa kala haga, marka ay qof kasta  is qabtaan ee la wada arko in ninkani (C/raxmaan Yabarow) uu yahay nin si kheyrul-caadi ah qabyaalada u cabsan markaa ayuu xilligiisu dhammaan doonaa Insha ALLAAH. Waxaa suurtowda in Xassan Shiikha uu dartii hadda aniga ii la kala dhimanayo in aysan wax aqoon ah isu laheyn, oo aniga aan kaga aqoon badanahay, ee uu ka galayo waa igu qabiil, qof xil intaa laég haya oo Idaacad caalami ah madax ka ah  inuu sidaa u dhaqmo wax wanaagsan ma ahan.




Siddeed yeeleysaa adigu hadda.?




Anigu wixii ila gudboon baan sameynayaa Insha ALLAAH, tan keliya ee aan ku adkeysanayo waxey tahay inaan halkeedii ka soo wado inaan ummadda Soomaaliyeed u soo bandhigo qaladaadka & dhibaatada ay ummadda ku hayaan, caqabad kasta oo aan kala kulmo arrintaasna waxaan diyaar u ahay inaan dhabar u rito, haddii ay ka fursad weydo waxaan diyaar u ahay inaan Muqdisho u tago arrintaas.




Ma is leedahay farriintaadii aad ku dhaleeceysay Damjadiid ee sababtay inaad shaqadaada ku weyso waxey aheyd mid aad ku dagdagtay.?




 (Qosol) Maya.. haddii maanta wax aan ogahay oo qaladaad ah oo berri inay dhacayaanna ay ii muuqata inaan ka aamuso ma ahan ee waa inoo fikrad ka dhiibtaa,  weliba waxyaabo badan oo maqaalkii hore ee aan qoray aan ku xusay waa dhaceen, haddii anigoo da´daan ah aan arkayo in dalkeeygi aan ku dhashay, ku soo barbaaray, wax ku soo bartay in haadaan laga tuurayo inaan ka aamuso waxey igu tahay damiir xumo, waxey aheyd farriin aan ku faraxsanaa inaa gudbiyo. Tan shaqada, anigu shaqada ina adeer & saaxiibtinimo kuma aanan tegine aqoon baan ku tegay, Yabarow waxaa uu sameynayo ee anaaniyada ahna waxaan u arkaa in ay isaga ka daba imaaneyso oo uu isagu ku tegayo, wax welwel ah kama qabo shaqo ka tegista, Al-xamdulillaahi maanta waaba isku filanahay xittaa anigoo aanan isku filneyn kama qoomameeyeen inaan joogo meel la iga leeyahay ha hadlin oo waxaad doonto ha sheegin, qofkaas anigu ma ihi.