Qalinkii :- Mawliid Aadan Cumar
Mudane madaxweyne adigoo ah hogaamiyihii ugu mudada dheera ururkii horseeday dib u soo celintii madaxbanaanida somaliland ee SNM.
Waxaan ku leeyahay kugumay khasaarin taagerayaashi kulmiye ee codkooda ku hibeeyay iyo shacbiga somaliland ee aad hogaamiyahaha u noqotayba, balse Bahweyntii kulmiye iyo shacabkuba waxay ka bogteen hogaamintaada madaxweynenimo iyo astaanta cadaaladeed ee midnimada bulsho weynta aad ku metesho sida ku cad sharciga qaranka somaliland, Sidaasi awgeed maqaalkan ciwaankiisu yahay { Madaxweyne Doorasho Kuuguma Laabna Shacabka ee Guurtida uun la macaamil}, Waxay qormooyinkan oo taxane noqon doona Insha Allah Waxaan ku faalayn doona sababaha ka hor istaagaya madaxweyne siilaanyo in uu marlabaad isu soo sharaxo xilka hogaamiyaha qaranka somaliland, Waxay noqondoonan sababahaasi qodobo xanbaarsan waajibaadka sharciga dastuurka somaliland uu farayo madaxweyne kasta oo shacabku doorto inuu ku dhaqmo iyo Afar qodob oo ku saabsan qiimaynta hogaamineed ee saddex sanno iyo badh madaxweyne Axmed-Silaanyo hogaaminta qarankan uu taladiisa hayay siday u qiimeyeen qaybaha bulshada somaliland oo ku salaysan aragtida muwaadiniinta fikirkoodu dhexdhexaadka yahay oo ay ka reeban tahay aragtiyo siyaasadaysan, sidaas darteed waxaan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa qormadan kowaad, Qodobka Kowaad ee sharciga dalku ku sharfay madaxweyne kasta oo shacabka somaliland doortay sifaha uu ku astaysan yahay inta uu hayo xilka xila madaxweynenimo ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Waana Sidan :-
[DASTUURKA SOMALILAND QODOBKA 90aad AWOODAHA MADAXWEYNAHA
Madaxweynuhu waa madaxa Qaranka iyo Dawladda; waana astaanta midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu u xilsaaran yahay daryeelka haybadda dalka; ilaalinta nabadgelyada; horumarinta bulshada iyo hab-sami-u-socodsiinta maamulka Dawadda].
Hadaba Falanqaynta Nuxurka qodobkani waa Madaxweynuhu maadaama uu yahay Astaanta u taagan midnimada shacabka somaliland waxaan qiimaynta qodobkan u soo qaadanaynaa Golaha Xukuumaddu Ma Yahay Gole Xubnihiisu U Siman Yihiin Madaxweynaha, Mise....
Lasoco ....
Qalinkii :- Mawliid Aadan Cumar