Muqdisho{GNA}Saddex qof oo u dhashey dalka Kenya isla markaana ahaa Injineero, ayaa la soo sheegayaa in lagu afduubtey magaalada Muqdisho subaxnimada maanta oo isniin ah. Injineerada Kiinyaatiga ah ayaa waxaa geeyey magaalada Muqdisho ganacsato Soomaali ah, Waxaana ay ka dhisi lahaayeen Xarun lagu gado Shidaalka. Saddexda qof ee la afduubtey ayaa ku sugnaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, lamana garaanaayo halka lala aadey. Wararka qaar ayaa sheeya ain tirada Kiinyaatiga la afduubtey ay yihiin labo Injineer oo keliya
Wixii war ah ee kasoo baxa arintan isha ku hay Gobanimo news.com