Monday, January 13, 2014

Rabshadaha ka aloosan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe oo gaarey in dadku is cunaan


iyada oo uu faraha ka sii baxayo dagaalka diinta salka ku haya ee Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa heerka cadaawaddu marayso gaarye in dadku is cunaan.




Mid kamid ah weiraaysha BBC ee ku sugan Afrikada Dhexe ayaa ku soo waramaya in koox dhalinyaro ah oo aaminsan Diinta Kririshtaanku ay gaari kala degeen nin Muslim ah kadibna ay dileen.




Mid ay ku magacaabaan Mad Dog “Eygii Waalnaa” oo ka mid ahaa kooxda ninka Muslimka ah dishey ayaa qaar kamid ah hilibkii ninka la diley cunay. Ninkan ayaa sheegay in uu ka aargoosanayo oo kuwo Muslimiin ah ay qaraabadiisi dileen. Ninka la diley ayaa la sheegey in toorey dilkiisa loo isticmaaley kadibna la gubey.




Dagaalada iyo Rabshadaha ka taagan jamhuuriyadda Afriakda Dhexe ayaa ah kuwo faraha ka sii baxaya, waxaa dhawaan is casiley madaxweynihii Muslimka ahaa ee dalkaas Michel Djotodia, Djotodia ayaa talada Afrikada Dhexe la wareegey bishii Marso 2013 markii uu inqilabey Madaxweyne Francois Bozizé. Xaaladda dalkaas ayaa hal mar isu beddeshey mid fawdo ah, ku dhawaad hal milyan oo qof ayaa qaxooti noqdey kuwaas oo ka baxsadey rabshadaha ka taagan dalkooda. Is casilaada madaxweynaha ayaan xaaladda dejin.