Pages

Friday, January 17, 2014

War-deg deg ah: Golaha Wasiirrada Somalia oo lagu Dhawaaqayo


Muqdisho(GNA)-Warbaahinta ayaa teer iyo saaka arroornimadii ku sugan Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sugayaa ku dhawaaqista golaha wasiirrada ee cusub.




Reysal-wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed ayaa toban maalmood oo dheeraada ku darsaday xiligii baarlamanku u qabtay inuu Wasiirro cusub ku soo magacaabo, sii u dhamaystiro dhismaha xukuumadiisa.




Hase ahaatee magacaabista Wasiirrada laga sugayo ayaa noqotay arrin muran iyo loolan siyaasaddeed ka abuurtay Magaalada Muqdisho iyo Goleyaasha Dawladda.




Wariyeyaasha ayaa wali ku sugan afaafka hore ee Madaxtooyada oo goor dhaweyd lagu war geliyay inaanay ka rawixin halkaasi ee caawa xili ay ahaataba la shaacinayo wasiirrada cusub.




Saacada geeska afrika ayaa hada ku sii siqaysa 11 Habeenimo, iyadoo aan wali waxba lagu dhawaaqin.




Inkasta oo Maanta gelinkii dambe la filayay in maalinta sabtida dib loogu dhigay magacaabista Golaha wasirrada, hadana isla galabta ayaa warbaahinta looga yeedhay Vila Somalia.




Arrinta muranka iyo mushkiladu ka taagantahay ayaa ah soo celinta Wasiiradii Xukuumaddii Raysal-wasaare Saacid Shirdoon oo badankooda madaxweynuhu wato.




Xildhibaano Mooshino ka dhana Wasiiradaasi wata ayaa wacad ku maray inaanay aqbalayn in la ansixiyo wasiirradii xukuumaddoodu fashilantay.




Si kasta arrintu ha ahaatee reysal-wasaare Sheikh ayaa laga sugayaa xukuumad bedesha nidaamkii Reysalwasaarihii lagu bedelay, inkasta oo aanu ahayn nin u madaxbanaan gudashada hawlihiisa shaqo ee Dastuuriga ah.




Saacadaha soo socda ayaa la naawilayaa inuu badka soo dhigo waxa uu qarinayo ee uu ilaa xiligan ku gaadhay, waxaana hadal haynta ka soo duul-duulaysa aqalka Madaxtooyadu tilmaamayaan in wasiiro badan oo xukuumadii saacid ah dib loogu soo darayo Liiska cusub ee wasiirada.




Wariyeyaha Gobanimonews ee ku sugan Madaxtooyada ayaa sheegaya inay wali halkaasi ku suganyihiin Warbaahinta iyo dad kale oo marti u ah ka qayb-galka munaasibadda ku dhawaaqista Golaha wasiirrada.




Wariyuhu wuxuu intaasi ku darayaa inay muuqato muran ka dhexeeya madaxweynaha iyo Reysal-wasaaraha oo isku haysta awooddaha shaqo ee ay kala leeyihiin.




Goor dhow la soco wixii war ah ee soo kordha…