Garoowe(GNA)-Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa maanta la kulmay Wasiiradii xukuumaddii Faroole.
Waa kulankii ugu horeeyay ee dhex mara Madaxda cusub iyo Golaha Wasiirrada, kaasoo albaabadu u xidhnaayeen saxaafadduna dibada ka joogtay.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas ayaa la sheegay inuu wasiirrada ku war geliyay inay ilaaliyaan Hantida dawladda inta bedelkoodu kala wareegayo, taasoo sida wasiirrada qaar sheegeen uu aad ugula dardaarmay.
Mid ka mida Golaha wasirrada ee shirka ka qayb-galay ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Madaxweynuhu wasiirrada dareensiiyay in dhamaantood la wada bedelayo, hase ahaatee wuxuu intaasi ku daray inaan taasi si cad loogu sheegin.
Dhinaca kale xubno ka mida wasiirrada oo warbaahinta la hadlay markii kulanku dhamaaday ayaa tilmaamay in shirka ay la yeesheen madaxweyneha iyo ku-xigeenkiisu afgarad iyo guul ku dhamaaday.
Cabdiwali Maxamed Gaas iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin X. Cumar Camay, ayaa xilka la wareegay maalintii Salaasadda ee todobaadkan sii galbanaya, waxaana laga sugayaa inay magacaabaan Xukuumad cusub.
Gobanimonews
Garoowe Office
Email: editor@gobanimonews.com