Monday, January 13, 2014

Sool:Dagaal ka dhacay Deegaanka Gowso-weyne oo istaagay iyo Wasiiro ku baxay.Faahfaahin


Oog(GNA)-Wararka ka imanaya deegaanka Gowso-weyne ee Gobolka Sool, ayaa istaagay, ka dib markii Ciidamada Qaranka Somaliland ee aaga Gobolka Sool kala dhex galeen laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi ku dagaalamay.




Afar ruux oo ka soo kala jeedda Maleeshiyaadka dagaalamay, ayaa la xaqiiyay inay ku dhinteen dagaalka oo ka dhashay dil xalay ka dhacay Degmada Oog ee Gobolka Saraar.




Masuuliyiin dawladda ka tirsan iyo dad samo-doono ah ayaa Maanta ku baxay xiisadaasi, sida ay Gobanimonews u sheegeen xildhibaano iyo waayeel ku sugan Magaalada Caynaba ee Gobolka Saraar oo soohdin la leh Deegaanka Shaqaaqadu ka dhacday.




Dhinaca kale, waxa wararka naga soo gaadhaya deegaankaasi sheegayaan in Ergooyin nabaddeed oo dawladda ka socdaa ku baxeen daminta shaqaaqadaasi.




Inkasta oo aanay caddeyn xubnaha ay yihiin Wasiirrada ku baxay arrintani, hadana wararka ayaa sheegaya inay xubno ka yihiin Wasiirrada ka soo jeedda Gobollada Sool iyo Saraar ee xukuumadda ku jira.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com