Monday, January 13, 2014

Laascaanood: Wiil Dhalinyaro ah oo dedelay iyo Bilayska Dad xidh-xidhay


Laascaanood(GNA)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laascaanood, ee xarunta Gobolka Sool, ayaa sheegaya in magaaladaasi uu shalay isku dhex deldelay Wiil Dhalinyaro ah oo aad u da’ yar.




Waa dhacdo ugub ku ah bulshada Magaalada laascaanood inta la xasuusto sanadihii ugu dambeysay, taasoo fajac iyo naxdin ku abuurtay Mujtamaca Magaalada.




Dad goob-joogeyaala ayaa Gobanimonews u sheegay in wiilkaasi iska soo laalaadiyay Geed ku yaala duleedka Magaalada, ka dib markii uu dhintay Maydkiisa lagu arkay geedka uu isku deldelay.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka oo la xidhiidha sababta falkani u dhacay , hase ahaatee dadka wararka ayaa sheegaya in Shalay markii Maydka la helay la soo xidhay dad ka mida Qoyska qofka isdilay.




Saraakiisha amaanka ayaa laga soo xigtay in xadhiga Dadkaasi ay bilaysku ugu dhaqaaqeen si ay kiiskan baadhis ugu sameeyaan.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com