Tuesday, January 7, 2014

Somaliland:Shacab Harraadan Maaweelo ma Bogsiiso


Waxa hubaal ah in dalkan Jamhuuriyada Somaliland guud ahaan biyo yari ka jirto,gaar ahaan caasimada tirade dadka ku nooli kor u kacday biyo la’aan-nina ka taagan-tahaay.Dhuumahii hore oo 2ba qaybood kala ah iyo mashiinadiiba dayac tir la’aan ay tamartoodu sii yaraatay.Indhaha dawladuna arkaysa uun cashuur muddo yar ka dib-ba lagu kordhiyo danyarta harraad-ka la il-daran.




Waxa la yidhi (Meel hoo u baahan hadal wax-ba kama taro).




Waxa la yaab leh Maareeyaha biyaha ee intuu soo fadhiistay tv-yada wax aan loo fadhiyin oo shacabka ka cadhaysiisay.Maareeyahu ma laba nin-baa miyaanu ahayn kii sannadkii inna dhaafay horaantiisii lahaa bisha 6aad ee 2012 ayaa la dhamays tirayaa biyo gelinta galbeedka hargeysa,ma dhallaan habaabis ayuu u sheegaayay ummada uu masuulka u yahay,ballantiisii maxaa helay,ma beeni raad ma leh ayay noqotay! Siduu u dhigay mashruucii Xunbo wayne waa wax laga xishooda inuu nin masuul ah kala garan waayo xilka ka saaran mashaariicda inaloogu deeqo iyo xilka laga sugayo cida bixisay.Waxa looga fadhiyay inuu shacabka qanciyo oo siday wax u jiraan uga warramo.Waxa la yidhi (Abas-guul meela ma wada joogto war-na isku seegana).Miyaanu ogayn inaynu salli ku wada fadhino,miyaanu ogayn cida mashaariicda biyo gelinta ka suurta gelisay carabta ay yahiin muwaadiniyiin u dhalatay Jamhuuriyada Somaliland,Miyaanu ogayn ummadu inay xidhiidh leedahay oo aanay ahayn wax qarsoon.Maxaa u diiday inuu ka warramo waxa dib u dhigay iyo sababaha keenay.




 




Waxa ka sii daran wasiirka arrimaha dibada ee ummada uga warramayay dabagal uu ku sameeyey mucaawinooyin ay carabtu inna siisay oo dib u dhacay.Bal yaabkan eega ma siyaasada arrimaha dibada,raadinta aqoonsiga iyo horumarinta xidhiidhka aynu la leenahay ama la yeelan doono ayuu u xil saaran-yahay mise inuu mucaawinooyinka oo wasaarad kale u xil saaran-tahay ayaa loo diray.Bal adba…Ka darane afxumada uu kula dul dhacay muwaadiniyiin dadaal ku keenay mucaawinooyinka uu ka hadlaayay ayaa ah aragti aanu nin masuul ahi media-yaha kaga hadlo.Waxa la yidhi (Timirtii horaba dab loo waa).




 




Xukuumada Axmed-Siiraanyo ee murdiso waxay ku mashquul-santahay laba arrimood oo keli ah:




1.Siday aduun ugu urursan lahayd doorashooyinka la filaayo inay dalka ka qabsoomaan.Ama cashuur ha ku kordhiso danyarta ama mashaariicda ha kaash (Cash) garaysatee.




2.Inay dib u dhigto doorashooyinka wakiilada,guurtida iyo ta madaxweynaha,loona kordhiyo dhamaantood.




 




Balse indhaha ayay ka daboolatay qubanaha danbee buuraha qarada wayn soo jafaaya oo ah kacdoonka shacabka harraadan hadana cashuuraha kala duwani dhabarka ka jebiyeen.




 




Waxan xukuumada Axmed-siiraanyo ugu baaqayaa inay xoog saarto suurta gelinta biyo gelinta caasimada oo ay dhakhso wax uga qabato,cashuurahana hoos uga dhigaan danyarta,waxan xasuusinayaa inaanay maaweelo bogsiin shacab harraadan.




Xuseen Xasan Badmaax




Hargeysa/JSL