Waxa ku shaqeeya Xafiisyada Gobolka Maroodi-jeex ee wasaaradda caafimaadka iyo Xanaanada dhexe
Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa doonaysa inay faasaxdo dhismaha iyo Dhulka ay ku fadhiddo xanaanaada dhexe ee Caasimaddda Hargeysa oo ku taala bogcad muhiima oo badhtamaha suuqa ah.
Xukuumadda ayaa hore loogu eeddeeyay inay iibisay, qaybna dadka siisay goobo ku yaala suuqa badhtankiisa oo aad u istaraatiijiya, kuwaasoo ay ka mid tahay xaruntii Boostada Hargeysa iyo Maktabadda GANDI Dhinaca Koonfur kaga qabsan Saldhiga dhexe ee Caasimadda.
Ilo-wareedyo ku dhadhow iyo dad xogogaal u ah qorshaha lagu bixinayo Dhulkan iyo Dhismaha ka dhisan, ayaa Gobanimonews u sheegay inay muddooyinkii ugu dambeeyayba hawsha lagu iibinayo dhismahan ku jireen Dilaaliin iyo ashkhaas xukuumadda ka socotaa.
Arrintan ayaa hadii dhab noqoto daaha ka faydaysa bililiqada xukuumaddu ku hayso dhulka danta guud ah ee Dawladdu maamusho, kuwaasoo ay hada faasaxayso xafiisyo ay ku shaqeeyaan Hay’addo dawli ah, sida xarunta Hooyada iyo Dhalaanka oo ay hada ku shaqeeyaan Xafiisyo farac ka ah wasaaradda caafimaadka.
Xafiiska Isuduwaha Gobolka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxa Fayo dhawrka ee isla Gobolka Maroodi-jeex ayaa ku shaqeeya Xaruntan.
Wararka laga helayo Iibinta Dhismahan ayaa intaasi ku daraya in wajigii hore lagu baayacay hal Milyan iyo Shan Boqol oo Dollar, balse aan wali qiiimahaasi heshiis kama dambeysa laga gaadhin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com