Waxa Maanta Magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum Maxamed Axmed Xasan( Surwaale) oo ka mid ahaa Odayaasha waaweyn ee Somaliland, kana soo qayb qaatay dib u dhiska dalka.
Marxuumka ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday Magaalada Addis-ababa ee dalka Itoobiy, laguna aasay Magaalada Hargeysa Maanta oo Axadda.
Xubno ka mida Golaha wasiirrada xukuumadda Somaliland iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan ayaa ka qayb galay Aaska Marxuumka.
Madaxweynaha Somaliland ayaa caawa tacsi u diray Marxuumka, waxaanu ilaahay uga beryay inuu Naxariistii Janada ka waraabiyo .
Dhambaal Tacsi ah oo ka soo baxay aqalka Madaxtooyada xili dambe oo caawa ah, ayaa madaxweynuhu ku sheegay in Marxuumka Geeriyooday ka mid ahaa Odayaashii ka soo qayb qaatay dhismaha waddanka.
Waxaanu u dhignaa sidan:
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii, uu ka baxay Marxuum Maxamed Axmed Xasan( Surwaale) oo ku geeriyooday 04/01.2014, Dalka Ethiopia gaar ahaan Adis Ababa iyada oo lagu aasay magaalada Hargeysa 05/01/2014, Marxuumka oo ka mid ahaa odayaashi ka soo qayb qaatay hawlihii dib u dhiska iyo walaalayntii beelaha wada dega Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.