Monday, January 6, 2014

Maareeye Yoonis: UN-HABITAT ayaa la wareegtay Biyo gelinta Hargeysa”Dhegeyso


“Walaahi Shilin kamaanu Lunsan Mashaariicda EU-du ugu deeqday Biyaha Hargeysa”




Hargeysa(GNA)-Hoos ka dhegeyso  Maareeyeha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo sheegay Midowga Yurub  ugu deeqeen Maashriicda Biyo gelinta Hargeysa shan iyo toban Milyan EURO, beeniyayna inaanay deeqdaasi ahayn  afartan Milyan oo EURO, sida Xisbiyadda Mucaaridka ahi ku dhaleeceeyeen.




Maareeye Ibraahim Siyaad Yoonis, ayaa sidoo kale ka waramay waxybihii u qabsoomay Wakaaladda biyaha Caasimadda Hargeysa saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay, isagoo sheegay inay mashaariic faro badan oo biyo soosaara soo wadaan.




Waxa kale oo uu sheegay in Mashruuca ugu weyn ee Midowga Yurub lagu wareejiyay hay’adda UN-HABITAT oo fulinaysa, taasoo buu yidhi u madaxbanaan farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba, balse iyagu hagista oo kaliya ay ku leeyihiin.




“Biyo Xumbo weyne inta laga keeno Geed-deeble la geynayaa ma jiraan ee Hargeysa ayay toos u imanayaan”ayuu yidhi Maareeye Siyaad.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/MAAREEYE-.mp3"][/audio]