Hargeysa(GNA)-Wareegto uu ku saxeexanyahay Madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagu magacaabay guddida loogu magac daray Guddida turxaan bixinta muranka Shirweynaha xisbiga Kulmiye ka taagan.
Tani waa wareegtadii labaad ee Madaxweyne Siilaanyo ku soo faro geliyo arrimaha xisbigaasi oo sanadkii 2010-ka taladiisa ku wareejiyay hogaanka sare, hase ahaatee ay muuqato inuu mar kale hunguri kaga jiro inuu musharax madaxweyne ka noqdo.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa digreeto uu soo saaray ku taliyay in shirweynaha xisbiga la qabto bisha 3-aad ee sanadka (22/3/2014, waa sida madaxweynuhu ku sheegay waraaqda uu qoraye.
Guddida uu u saaray turxaan bixinta ayaa ka kooban wasiirro uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha dibaddu, kana mid yihiin wasiiro kale iyo xildhibaano.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka xisbiga oo la xidhiidha go’aanka madaxweynaha, hase ahaatee waxa muuqata inaanay xubnaha ugu sareeya xisbigu la dhacsanayn arrintan.
Xisbiga Kulmiye ayaa khilaafkiisu soo noqnoqday una muuqdaa mid goor aan fogayn lagu kala calaf qaadayo, isla markaana rag badan saaxada lagaga saari doono.
Guddoomiyaha Xisbigaasi ee maqaar saarka ah Muuse Biixi Cabdi ayaa xusul duub ugu jiray inuu shanta sanadood ee soo socda Madaxweynaha xisbiga isu sharaxo, isla markaana ku dhegsanaa hogaaminta xisbiga, waxaaase muuqata in sawir fiican laga siiyay miisaankiisa sharci ee uu xisbiga ku leeyahay.
Dhinaca kale, rag badan oo Muuse Biixi Kursiga ku haystay ayaa dhoola ka qosol iyo rejo cusub la soo toosay hada, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Si kastaba ha ahaatee yooyootanka xisbigu wuxuu muujinayaa inuu saameyn ku yeelanayo awoodda xisbiga iyo shacbiyadda uu haysto, sababtooy tahay muran kama joogo hadii madaxweyne Siilaanyo mar kale ku soo laabto hogaanka inuu taageero badan waayayo.
Laakiinse waxaan caddeyn cida kale ee miisaankiisa ku sii wadi karta inuu mar kale guusha hogaaminta dalka uu helo.
Akhri wareegtada Madaxweyne Siilaanyo qoray:-
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com