Pages

Sunday, January 5, 2014

Lewandowski Oo Iska Diiday Dalab Xoog Leh Oo Uga Yimid Real Madrid Ka Hor Intii Uusan Ku Biirin Bayern Munich


Kadib markii Lewandowski uu si rasmi ah ugu biiray kooxda Bayern Munich ayaa waxaa soo baxaya in kooxda Real Madrid ay aad u doonaysay laacib kaan ree Poland iyagoona wax walbo usameeyay sidii ay ku heli lahaayeen 25 jir kaan.




 




Wargayska “La Voz de Galicia” ee kasoo baxa Spain ayaa shaaca ka qaaday maanta in kooxda Real Madrid aysan ka quusan Lewandowski ilaa daqiiqadii u danbaysay ka hor inta aan lagu dhawaaqin inuu ku biiray kooxda Bayern Munich iyagoona isku dayay inay badalaan fikirka laacib kaan si uu u yimaado Santiago Bernabeu.




 




Wargayskaan ayaa sheegay in madaxwaynaha kooxda Real Madrid Perez uu ka dalbaday mid ka mid ah gacan yarihiisa inuu soo dhameeyo saxiixa Lewandowski isana uu siin doono 14 milyan oo Euro hadii uu ku guulaysto inuu ka dhaadhiciyo laacib kaan inuu kusoo biiro Real Madrid, wuxuuna usoo ban dhigay heshiis 6 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 9.5 milyan ama 10 milyan oo Euro sanad kii sida uu qoray wargaysku.




 




Laakiin dhamaan isku daygii Real Madrid marnaba ma uusan guulaysan kadib markii laacib ka uu ku adkaystay inuu doonaayo u ciyaarista kooxda Bayern Munich isagoona ugu danbayn si rasmi ah ugu biiray xalay.