Pages

Sunday, January 5, 2014

Kooxaha Chelsea, Arsenal Iyo Tottenham Oo Ku Tartamaya Saxiixa Mario Balotelli


Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kooxaha ree London ee Chelsea, Arsenal iyo Tottenham ay wada doonayaan laacib ka kooxda AC.Milan Mario Balotelli iyagoona la sheegay inay doonayaan janaayo ama xitaa xaggaaga si ay ugu adkeeyaan dhibaatada ka haysata dhanka weerar ka.




 




Wargayska Daily Mail ayaa sheegay in kooxaha ree London ay doonayaan inay iska dhisaan dhanka weerarka gaar ahaan kooxda Arsenal oo aan haysan laacib booska kula tartama Giroud oo kali ku ah booska weerar ka ee kooxda Arsene Wenger, sidoo kale kooxda Chelsea ayaa u baahan weerar yahan ka fiican kuwa ay hada haysato oo soo afjara dhibaatada haysata weerar yahanada kooxda Jose Mourinho, kooxda Tottenham ayaa iyadana doonaysa laacib u buuxiya booska uu banayn doono Jermain Defoe oo isku diyaarinaya inuu isaga tago kooxda kadib markii uu boos joogto ah ka waayay.




 




Mario Balotelli ayaa la sheegay inuusan ku faraxsanayn inuu sii joogo kooxda AC.Milan iyagoona dhowr mar la sheegay in laacib kaan laga yaabo inuu isga tago kooxda ka dhisan magaalada Milan ee dalka talyaaniga