Chelsea ayaa dalab 25 milyan ginni ah gudbisay si ay dib ugu soo celiyaan Stamford Bridge ciyaaryahanka khadka dhexe ee Benifca Nemanja Matic, sida ay qortay Daily Mail.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa marka hore ku biiray Chelsea 2009kii laakiin waxa uu saftay kaliya labo kulan ka hor inta uusan u bixin Portugal 2011 isagoo qeyb ka ahaa heshiiskii uu David Luiz ku yimid Stamford Bridge.
Si kastaba, tababare Jose Mourinho ayaa haatan u arka Matic nin uu ka howgeli karo booska burburiyaha khadka dhexe ee Blues.
Chelsea ayaa db u soo cusbooneysiisay xiisaha ciyaaryahanka bishii hore, waxaana caawiyaha Mourinho Jose Marais uu ku balansanaa inuu daawado 26 jirkaan kulankii shalay ee Benfica iyo Porto oo ay kooxdiisa badisay.
Saxaafada Portugal ayaa warineysay ciyaarta ka hor inuu Matic diiday inuu kooxda u ciyaaro laakiin waa uu ciyaaray kulankii ay 2-0 ku badiyeen, isagoo jaale qaatay, waxaana goolasha ay ka kala yimaadeen Ezequiel Garay iyo Rodrigo Machado.