CafuXiddigii hore ee Milan iyo qaranka Brazil ee Cafu ayaa ka codsaday
taageerayaasha Milan in ay dul qaataan kooxda Milan ka dib guul daradii
ay kala kulmeen kooxda Sassuolo.
Milan ayaa guul darro 3:4 ah kala kulntay kooxda Sassuolo iyadoo 4-ta
gool uu dhaliyay laacibka lagu magacaabo Domenico Berardi.
Cafu ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay guul daradaas balse waxa uu
sheegay in uu u arko in xiddigaha dhawaan lala soo hishiiyay ay wax weyn
ku soo kordhin doonaan kooxda balse inta mirahaas ka dhalanayaan looga
baahan yahay in ay dul qaataan .
Milan ayaa dhawaan la soo hishiisay xiddiga reer Japan ee Keisuke Honda
kaasi oo saftay kulankaas Milan looga badiyay