Wednesday, November 20, 2013

Taariikhda Bariiska


(GNA) Cilmi-baadhis la sameeyay ayaa waxay muujisey in Bariiska beeran jireen dad beeroleey Shiine ah waqtiyadii u dhexeeyay 8,200 ilaa 13,500 sanndood ka hor. Sidoo kale cilmi-baadhis Aarkiyooloji ah waxay sheegtay in waqtiyadaasi laga beeri jirey webiga dooxada Yangtze ee dhulka-jooga-hoose ee wadanka Shiinaha. Waxay cilmi-baadhistu sidoo kale soo ban-dhigtey in qiyaas ahaan 5,000 sannadood ka hor bariisku ku fidey koonfur-bari iyo koonfurta qaarada Aasiya. Waqtigaas wixii ka dambeeyay bariisku si tar-tiib ah ayuu ugu fiday dunida inteeda kale. Sidoo kale meelo ku dhow webiga Niger ee qaarada Afrika ayaa laga beeri jiray bariiska ilaa iyo 3,500 sanno ka hor laakiin kuma fidin deegaanada kale ee qaarada ilaa laga soo gaadhay 2,700 sano ka hor. Dhulka Soomaalida wuxuu ku soo gaadhay bariisku si ganacsi isagoo si toos ah iyo si dadban uga imanaayay wadanada Hindiya iyo Shiinaha.




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com