Wednesday, November 20, 2013

Ma ogtahay inaad socoto adiga oo kabola inay tahay faa'iidada ugu badan ee jidhkaagu caafimaad ahaan helayo?


(GNA) Daraasad lagu sameeyey arrimaha xagga caafimadka qofka ayaa lagu sheegay waxa ugu wanaagsan ee ay dadku caafimaadka ka helikaraani inuu yahay inay dadku socaan kabola’aan iyaga oo calaalcalo cad,taasin waxay adood siinayaa baa la leeyahay jidhka qofka gaar ahaan murqaha iyo xididada dhiigga areejiya,daraasadni wsaxay intaa ku daraysaa inay ka qayb qaadanayso iyada oo uu qofku socdo kaba la;aan inay siyaadinayso awoodda jidhkiisa iyo xooggiisaba.




Waxaanay ka ilaalinaysaa baa  la leeyahay in uu qofku noqdo mid buuran oo xafash noqda isla markaana muuqaalka jidhkiisu noqdo  mid isku dhexdaadsan isla markaana aanay xubnihiisu kala soocnayn xafashka jidhkiisa saaran darteed,darasaddani waxay sheegaysaa inay kalaba la’aanta oo lagu socdaa dadka ilaalinayso cudurrada ku dhaca wadnaha isla  markaana uu  qofkaasi noqonayo mid ka fayaw xanuunada noo layaano juuc-juuca iyo caasjika faraha badan oo qayb ka qaatay inuu qofkaasi durba gaoobo.




Inaad kaba la’aan socotaa waxay kaa dhigaysaa baa la leeyahay mid jidh ahaan dhisan gaar ahaan waxaa ad adkaanaya murqaha calooshuna way duubmaysaa xidhidada dhabaka iyo seeduhuna waxay noqonayaan kuwo ad adag oo xooggleh,waana dhibaato weyn inuu qaabka muuqaalka jidheed kaa kharaabo dabadeedna laydin kala karan waayo adiga “ninka” iyo xaaskaaga markay uurka leedahay.




Daraasaddani waxay sheegaysaa qofka maalintiiba ka caado dhigta inuu lugeeyo isaga oo aan kabo xidhnayn 4 KM inay ka dhacayso 200-250 oo sunkorta ah hadii uu qofkaasi yahay mid ka cabanaya cudurka  macaanka loo qaqaano iyada oo dhanka kalana  22-28  uu hoos u dhacayso subagga jidhkiisa kujira taasi oo caafimaad badan iyo faa’iidaba siinaysa qofka sidaa yeela ee kabo la’aanta ku socda saacad iyo wax lamida maalintiiba.




Dhanka kale waxaa jirta faa’iidooyin kale oo ku jira jimicsiga iyo waxyaabaha kale ee sport-sga ah oo la sameeyo ugu yaraan 3 jeer wiiggiiba 30 daqiiqo iyo wax la mida,sidaa darteed daraasadani waxay leedahay Xadiiskii Rasuulka CSWS ee ahaa masaajidda ha loo socdo iyada oo la lugaynayo waxaa laga qaadanayaa ama laga fahmayaa inay meesha xikmadi ku jirto taasi oo ah ilaalinta caafimaadka qofka bani aadamka ah.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com