Tuesday, November 12, 2013

R/wasaare Saacid Shirdoon: Khilaafka noo dhexeeya Madaxweynuhu Waa arrin Dastuuri ah”


Muqdisho(GNA)-Reysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa xaqiijiyay jiritaanka Khilaaf ka dhexeeya Madaxweynaha dalka Xasan Sheilkh Maxamed.




Warsaxaafadeed uu soo saaray maanta oo Salaasa ah ayuu ku sheegay inay madaxweynaha isku maandhaafsanyihiin qodobo dastuuri ah oo faham u baahan.




Dr. Saacid ayaa Hay’adaha Dawladda iyo shacbiga somaliyeedba dar-daaran iyo talooyin la xidhiidha dedaalka socda u soo jeediyay, waxaanu si gaar ah shacbiga u furay inay kalsooni buuxda ka haystaan madaxda dawladda.




Qoraalka uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan “Waxaa xusid mudan in bishaan November 2013,  ay tahay sanadguuradii kowaad ee dhismaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya. Inkastoo marxalad adag iyo caqabado badan ay jireen hadana muddada kooban ee halka sano aheyd oo ay dawladdeena dhisneyd waxay gaartay guulo waaweyn iyo waxqabad muuqda gaar ahaan dhinaca amniga, dib-u heshiisiinta, maamulka iyo kobcinta dakhliga dawladda, waxbarashada, xoojinta siyaasadda arrimaha dibada, dhismaha haykalka dawladda iwm.




Inkastoo waxqabadka iyo hormarka aan kor ku xusay iyo wadashaqeyn waanaagsan ay ku dhammaatay sanad-guuradii kowaad, anoo ka xun waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka.




Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaliyeed iney ku kalsoonaadaan Madaxdooda iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ayagu leh mas’uuliyadda kowaad ee xal u helidda is-maandhaafkaan.




Ugu dambeyn, maadaama ay horyaalaan wadanka marxalado adag gaar ahaan dhanka amniga, waxaan farayaa hay’adaha dawladda oo dhan in ay wataan howshooda qaran, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahoodaa. Sidoo kale, waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iney sii xoojiyaan doorkoodi ku aadanaa wadaninimada, nabadda, iyo hormarka dalka”.




Warar isa soo tarayay tan iyo bishii October ee la soo dhaafay ayaa muujinayay sii kala fogaanshiyo ka dhexeeya Madaxda dawladda ugu saraysa, kuwaasoo khilaafkoodu salka ku hayay arimo siyaasadeed oo dhanka gudaha ah.




Waxyaabaha ugu badan ee laysku hayay waxa ka mid ahaa arimaha jubboyinka oo khilaafka sii cakiray iyo qodobo kale oo xaasaasiya.




Dhawrkii maalmood ee la soo dhaafay ayay dibada u soo baxday in xasan Sheikh Maxamuud reysal-wasaare saacid ku war-geliyay inuu iscasilo.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com