Tuesday, November 12, 2013

Hargeysa: Roob Maalintii labaad da’aya oo saameeyay Duulimaadyada Diyaaradaha


Hargeysa(GNA)-Waxa Maalintii labaad ka da’aya Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland Roob aan kala go lahayn.




Roobka ayaa ah mid cir-cadaadi u eeg oo Daruur ku xidhay Cirka, waxaana bilaamay shalay gelinkii hore.




Waxa uu sababay in la joojiyo Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargesa oo loo wareejiyay Madaarada Berbera , Djabouti iyo Diri dhaba, sida ay Saraakiisha Dawladdu sheegeen.




Ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay Roobabkan oo ka da’ya inta badan Goboladda Somaliland, balse waxa jira tiro xoolo ah iyo Guryo waxyeelo uu gaadhsiiyay.




Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay ka qayb-qaadanayso gurmad loo fidiyo Kumanaanka qof ee duufaanta cyclone, saamaysay, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo Warbaahinta la hadlay.




Deegaamada Goboladda Togdheer, Saraar, Sool iyo Awdal ayaa laga soo sheegayaa inay wali roobabkaasi ka da’ayaan.




Magaalada Berbera ayaa meelaha ugu saameynta badan ee Roobabka laga dareemay, waxaana dadka soo waajahday Cabsi badan saacadihii la soo dhaafay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com