Maalmaha fadliga badan ee nala faray inaanu ka faaiideysano si uu alaah inoogu dhaafo wixii gafaf ah oo aanu sameynay waxa ka mid ah maalinta caashuuraa oo ah tobanka bisha Muxaram ama bisha sako, fadliga maalintaa soomkeeda laga helayo waxaa ka mid ah:-
Abuu qataata R.C wuxuu laga wariyay in "Rasuulkeenii Muxamad ahaa SCW la weydiiyay Soomka maalinta caashuuraa? wuxuu yiri : ( waxaana yiri: waxaa lagu dhaafaa -dunuubtii Sanadii tagtay oo dhan . ))
Nabigeenii Muxamad ahaa SCW markii uu madiina tegay wuxuu arkay yahuudii madiina daganeyd oo sooman markii la weydiiyay sababta ay u sooman yihiinna ? waxay yiraahdeen :waa maalintii uu ilaah reer banii israaiil ka badbaadiyay cadawgoodii ,nabiyullaahi Muuse na SCW uu soomay ((markaa ayuu Nabigeenu SCW yiri : anaaa adinka Muuse idin kaga xaq badan,nabigeenii waa uu soomay wuxuuna amaray in la soomo- caashuuraa - .
Nabigeenii Muxamad ahaa SCW wuxuu kaloo nafaray in aanu khilaafno yuhuuda oo aanu soomno labo maalmood Caashuuraa iyo maalinta ka horeysa ama maalinta ka dambeysa.
Maalmaha la soomaya Caashuuraa .
Shiikha ibnul qayim wuxuu yiri:-
a.Waxaa ugu fadli badan in la soomo maalinta sagaalaad iyo tobonaad iyo kow iyo tobanaad .
b.Waxaa ku xiga xaga fadliga in soomaa maalinta sagaalaad iyo maalinta tobanaad - iyadaana axaadiista badan ku yimaadeen .
c.Waxaa ku xiga in la sooma maalinta tobanaad Caashuuraa oo qura .
Caashuuraa sanadaan 1435h 2013m waxay ku aadan tahay khamiista taariikhduna tahay 10/01/1435h wafaaqsan 13/11/2013
Ugu dambeentii walaal ka faaiidayso maalmahaan fadliga badan oo soom maalmaha Salaasada iyo arbacada iyo Khamiista waa sida ugu fadliga badan uguna sareysa sida aaan horay u soo sheegnay haddii kale arbacada iyo khmiista waana tan xigta xaga fadliga, haddii kale khamiista oo kaliya soom waana midda ugu ajarka yar ,yeesan kugu dhafiin soom la'aan waxaa dhici karta inaysan dib kuu soo marin.
Alla Mahad Leh
Qalinkii
Yacquub Abdilaahi ( Shirbaaye)