Tuesday, November 19, 2013

Gaalkacayo: Wariye Ajaanib ah oo afduub lagu haysto Xaaladiisa Caafimaad laga darinayo


Gaal-kacayo(GNA)-Weriye Michal Socott o u dhashay dalka Markeynka balse heysta Baasaboor-ka jaramalka Oo sanad iyo bar ka hor laga afduubtay Magaalada Gaalkacyo ayaa Xaaladiisa Caafimaad aad looga deyrinayaa.




Muuqaallo sawir ah oo laga baahiyay ayaa muujinaya wariyahan oo hab qalafsan loola dhaqmayo, isla markaana lagu haysto meel cimilada iyo cuntada la siinayo uu la qabsan waayay.




Weriyahaan Ajnabiga ah ee lagu haysto deegaamo ka mid ah gobolka Mudug ee Soomaaliya ayaa waxa haysta kooxo ka tirsan Burcada badeeda Soomaalida ah,kuwaasoo ku gor-gortamaya in madaxfurasho laga siiyo.




Kooxda gacanta ku haysa ayaa sheegay marar badan in ay dili doonana ama ay gacanta u galin doonana kooxda alshabab taasi oo wal wal iyo walaac badan dhalisay.




Sawirrada laga baahiyay ayaa lagu muujiyay iyadoo nimanka haystaa qoryo  madaxa ka hayaan.




Hoos ka Daawo Sawirro:- 




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com