Pages

Monday, October 7, 2013

Wasiirka arimaha gudaha somaliland ayaa ka hadlay dilalkii is xigxigay ee dhawaan ka dhacay magaalada hargaysa






Hargaysa(GNA) – Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa waalidiinta uga u soo jeediyay inay masuuliyada ubadkooda qaadaan, hadii kale ay marka ay waajahaan xabsiyo dhaadheer aanay ka murugoon.




Wasiirku waxa uu ka hadlay markii ugu horaysay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Hargeysa, isaga oo sheegay inay gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglayaashii falkaas gaystay.




Wasiirka arimaha gudaha oo la hadlay Telefiishanka HCTV ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Ninkii ugu danbeeyay dilalkaas isaga oo ay gabadh wada taagan yihiin meel banaan ah ayay afar inan ku soo baxeen, markaas inantii ayay ku damaaciyeen, inankiina waa uu la dagaalamay oo nimankii  ayuu nabaro u gaystay iyaguna madaxa ay dhagax kaga dhufteen, halkii baanu ku dhintay isla habeenkii saqdii dhaxaba waanu qabanay dhamaantood waxaanan hor gaynaynaa sharciga”








Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu sheegay “Kiiska kale Gabadh buu ahaa waxaana Mobaylkii ku qabsaday niman, iyaduna sidaas ayay ku dhimatay, markii ay ku dagaalantay markaas labada kiis ee ugu darnaa imika kuwaas  ayay ahaayeen”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya dadka falalka dilka ah ka geysta Caasimadda Somaliland  “Waa rag dhalinyaro ah oo waliba dhanka hablaha hawlaaasi u badiya, waalidiinta waxaan uga digayaa qaar badan waxay yidhaadaan marka caruurtooda la soo qabto misaajid ayay ku maqnaayeen, inamadiinu misaajid kuma maqnee meel kale ayay ku maqan yahiin, waxaanan u soo jeedinayaa inay carruurtooda guryaha ku haystaan, haddii kale marka boolisku haleelo ama sharciga la hor geeyo ee xabsiyo dhaadheer lagu xukumo in aanay ka shalayn ee inta ka horaysa ay masuuliyadooda qaadaan”