KENYA{GNA} Milateriga xukuumadda Kenya ayaa soo bandhigay magacyada afar qof oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen dablaydii weerarka ku qaaday 21 bishii September xarunta WESTGATE.
Warbaahinta gaarka ah ee Kenya ayaa soo bandhigtay muuqaalka afar qof oo ahaa ragii galay xaunta ganacsiga,waxaana laga arkay kaamirada qarsoon ee loo yaqaan CCTV.
Emmanuel Chirchir oo ah afayeenka ciidamada Milateriga Kenya ayaa sheegay in afarta qof ee weerartay WESTGATE laba ka mid ah ay xiriir ay la lahayeen Al-Shabaab,halka midka kale uu xiriir la lahaa Al-Qaacida.
Waxa uu intaas ku daray afayeenka in afarta qof magacyadooda ay kala ahaayeen Abu Baara Al-Sudani, Cumar Nabhan, Khattab Al-Kene iyo Cumayr. Mid ka mid ah nimanka ayaa u dhashay Kenya.
..Ninka lagu magacaabo Abuu Baara al-sudani uwaxa uu ahaa nin tababaro gaar ah qaba oo ku xeel dheer shiishka, oo ka tirsan Al-Qaacida, ruux kale ee lagu magacaabo Cumar Nabhan ayaa ka soo jeeda Mombasa, waxaana uu wataa magacii Saalax Nabhaan oo afar sano ka hor lagu dilay Baraawe ayuu yiri afayeenka ciidamada Milateriga Kenya..
Waxaa wali xarunta WESTGATE ka socda baaritaano, kuwaasi oo ay wadaan Kenya iyo reer galbeedka