Borama(GNA) – Sida ay xaqiijinayaan warar soo gaadhaay Xafiiska Gobanimonews ee Magaalada Boorama, deegaanka Al Baki ee ka tirsan degmada Baki waxaa maanta uu daad ku qaaday dooxa u dhaw geedka dheenta ee kala qaybiya Borama iyo Xarunta degmada Baki ayaa waxaa ay sheegayaan in uu Isuduwihii wasaarada Beeraha ee degmada Baki iyo gaadhigiisii uu daad ku qaaday dooxaasi.
Hadaba waxaanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay Wariye Yuusuf Cabdi Indhaqurux oo isagu la socday gaadhigani uu daadku qaaday waxaana uu noo sheegay”waxaan ku suganahay deegaanka geedka dheenta oo ka tirsan degmada Baki ee gobalka Awdal waxaanan la socday wefti uu hogaaminaayay gudoomiyaha degmada Baki weftigani oo u socday sidii ay ugu gurman lahaayeen khasaare ka dhashay roobabkii ka da’ay deegaanka kuwaasi oo weftigan rabeen inay soo eegaan, weftiganina waxaa uu ka koobnaa Gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Baki iyo Isuduwaha wasaarada Beeraha ee degamada Baki, hada khasaaraha soo gaadhay ee aan hayno waxaa uu yahay gaadhigii degmada oo burburay iyo isuduwihii wasaarada Beeraha oo dhaawac ka soo gaadhay gaadhigaasi aanu saarnayn ee daadku qaaday, waxaana sidoo kale uu gabi ahaanba hakaasi khasaare ku soo gaadhay alaab saarnayd oo isugu jiray shidaal iyo saliid iyo agabkale”.
Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray wariye Yuusuf in uu khasaare kala duwan soo gaadhay beeralayda deegaanka Baki “Beeraha uu khasaaruhu gaadhay waxaa ay yihiin ilaa 70 beerood ujeedada socdaalkeenuna waxay ahayd sidii aanu ugu gurman lahayn beerahaasi, anaga oo gurmadkiii ku guda jirnana waxaa nagu dhacday waxyeeladani aan idiin sheegay, dhaawaca u badanina waxa uu soo gaadhay waa Isuduwaha wasaarada Beeraha Abiib Cabdilaahi oo gacanta iyo labada lugood dhaawacu ka soo gaadhay.”
Sikastaba ha ahaatee waxaa maalmahii u danbeeyay ka da’aayay guud ahaan deegaamada kaladuwan ee gobalada awdal iyo salal roobab xoogan kuwaasi oo sidoo kalena waxyeelo kaladuwan ka soo gaadhsiiyay dad iyo gaadiid iyo waliba xooloba iyada oo khasaarihii u danbeeyay ee ka dhashay roobabkaasi ay kow ka tahay tan maanta iyo waliba gabadhyar oo xoolo ilaalinaysay, sidoo kalena ilaa mudo laba maalmooda ay jiraan gaadiid dul togan dooxyada u dhaxeeya jabuuti iyo Boorama kuwaasi oo ka soo gudbi karila walow madaxoodii hada ay soo gaadhayaan magaalada Boorama