Hargeysa (GNA)-Qoraal ka soo baxay Xafiiska Komishinka Tacliinta sare ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay jiraan Jaamacaddo been abuur ah oo Bulshada u xayeysiiya Tacliin aanay dhigin si dadka u soo jiitaan.
Guddida ayaa sheegay inaanay Jaamacaddahasi ruqsad ka heysan Dawlada,hadana ay Warbaahinta ku baajiyaan Xayeysiisyo ay ugu yeedhayaan Ardayda iyo Waalidiinta.
Tan yay ku tilmaameen Khalad, waxaanay Hay’adaha warbaahinta uga digeen inay baahiyaan Ogeysiisyada ka soo baxa.
“Waxa beryahan dambe caado noqotay in Jaamacaddaha dalka badankoodu isku xayaysiiyaan warbaahinta noocyadooda kala duwan”ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxaanu intaasi ku daray qoraalku isagoo magacaabaya tiro jaamacaddo ah oo lagu tusaaaleeyay kuwa Foojariga ah.
“Waxa komishanka qaranka ee Tacliinta sare aaminsan yahay in xayaysiis yadani ay yihiin kuwo aan loo baahnayn oo waalidka iyo ardayda lagu khaldayo. Xayaysiisyada waxa ku badan waxyaabo badan oo aan run ahayn, sida jaamacaddo aan jirinba, Somalilandna aan ka diwaanashanayn sida Somaliland University ama Mt Kenya University. Qaar ka mid ah jaamacaddaha ayaa iska sheegta maadado aanay dhigin fasaxna uga haysan komishanka qaranka ee Tacliinta sare.
Taasi waxa ay keentay in ardyda iyo waalidkood aanay helin warar sugan taasina ay keenayso in ay meel xun ku dhacan. Sidaasi darteed, waxa aanu warbaahinta, noocyadeed kala duwan ka codsanaynaa in aanay baahin xayaysiis jaamacadeed illaa ay jaamacaddu la timaado ogolaansho ay ka sidato komishanka qaranka ee Tacliinta sare. Tani waxa ay badbaado u tahay dhalinyarada waxbarashada jecel iyo waalidkooda”.
In ka badan Toban Jaamacadood oo gaar loo leeyahay ayaa ka dhisan Somaliland, waxaana ugu badan faracyadda Kuliyaddo Waddanka Itoobiya ka dhisan oo dalka xarumo ka samaystay, kuwaasoo ay ugu weyntahay ADDMAS UNIVERSITY iyo kuwa kale oo badan.
Go’aanka ka soo baxay GTS ee arrimahan ku tacaluqa ayaa iminaya xili Bulshadu ka sugaysay talaabooyin ka cul-culus qoraalkan ka soo baxay oo lagu hubinayo tayada waxbarasho ee Jaamacaddaha waddanka oo dhan si loo xaqiijiyo aqoonta ay da’yartu ka barato.
Komishankan oo sanadkii hore la aasaasay ayaan ilaa hada si waadax ah ama Madal loo dhanyahay ku soo bandhigin hawl-qabadkooda iyo xog-uruurin ku saabsan heerka Jaamacaddaha waddanka ka dhisan,kuwaasoo ay ahayd inay si caam ah u shaaciyeen kuwa ay aqoonsadeen iyo kuwa mad-madowgu kaga jiro culuumta lagu barto.
In ka badan shan kun oo Arday ayaa sanad kasta ka qalin jabiya Jaamacaddaha waddanka ku yaala ee kor ku xusan, kuwaasoo mid waliba ku faanto Cilmiga laga barto xili munaasibadeedka madaxda dawladu la joogto.
Madaxweynaha Somaliland iyo ku-xigeenkiisa ayaa bil kasta ama todobaadyo isku dhadhow sanad walba wakhtigan oo kale u lebista ka qayb-qalka qalin jabinta Ardayda ka aflaxay Kuliyaddahaasi oo qayb ka mid ah Bulshadu aragti aan wanaagsnayn ka qabto.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: Editor@gobanimonews.com