Macalinka Borussia Dortmund, Jurgen Klopp ayaan ka soo muuqan doonin booskiisa tababaranimada kulanka Champions League ay kaga hor jeedaan Arsenal kadib markii ganaxa loo kordhiyay .
Gudiga anshaxa ee UEFA ayaa macalinkaan ganaxay hal kulan kadib markii uu si qaldan ula macaamilay garsoorihii afaraad kulankii Napoli,
laakiin markii dib loo daawaday qaladaadkiisa waxaa la ogaaday in aanu ku filneyn hal kulan waxaana loogu daray kulan dheraad ah,
46 jirkan oo seegay kulankii Marseille ee habeenkii Arbacadii ayaa sidoo kae seegi doona kulanka 22ka bishaan ay kooxdiisu wajihi doonto kooxda Arsenal .
Jariirada Bild Sports ayaa sheegtay in kooxda Borussia Dortmund ay dooneyso in ay racfaan ka qaadato ganaxaan cusub madaama uu muhiim u yahay kulanka Arsenal.