Saturday, October 5, 2013

Arsene Wenger Oo Xanaaqay Ka Dib Markii La Sawiray Jack Wilshere Oo Sigaar Cabaya.


Arsene Wenger ayaa dhaleeceeyay Jack Wilshere ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe lagu sawiray isagoo sigaar ku cabaya meel banaanka ka ah goob lagu caweeyo.




Wilshere oo dhaawacyo la dhibaatoonayay xilli ciyaareedyadii u danbeysay ayaa habeenkii arbacada la soo caweeyay qaar ka mid ah asxaabtiisa kooxda ka dib 24 sacadood markii kooxdiisa ay 2-0 kaga badisay Champions League kooxda Napoli.




Wargeyska The Sun ayaa shalay  baahiyay sawirka xiddiga England oo sigaar cabaya,




taasoo keentay in Wenger uu saxaafada horteeda uga digo 21 jirkan habdhaqankiisa.




 “Ma ogoli gabi ahaanba habdhaqanka ceynkaas ah” ayuu Wenger ku yidhi shirkiisii jaraa’id ee maanta. “Waxaan u baahanahay inaan arintaan kala hadlo isaga.




Waxa aan ku dhihi doono isaga iyo aniga kaliya ayay inaga dhaxeysaa.




 “Marka aad tahay ciyaaryahan waxaad tahay qof lagu daydo, sidoo kalena ma dooneysid inaad sameyso wax dhaawacaya caafimaadkaaga.




 “Waxaad dhaawici kartaa caafimaadkaaga marka aad gurigaaga joogto, waxaa sigaar ama qamri ku cabi kartaa gurigaaga, mana jirto cid ku arkeysa, laakiin marka aad bulshada ku dhex cabto waxaad sidoo kale dhaawaceysa sumcadaada.”