Hargaysa(GNA)Beesha Gabooye ee Somaliland, ayaa markii ugu horaysay ka mahad sheegatay helida xuquuq ku filan oo ay ka heshay saamiyadda dawliga ah.
Tani waa markii koowaad ee la arko Odayaasha Beeshaasi oo ku faraxsan qaab cadaaladeed waafaqsan shuruucda waddanka oo ay wax ula qaybsadeen Bulshooyinka kale, tan iyo markii nidaamka dawliga ah ee Somaliland lagu dhawaaqay 23 sanadood ka hor.
Waxgaradka beesha Gabooye ayaa khamiistii todobaadka dhamaaday xaflad u sameeyay xubno ka mid ah Saraakiil Ciidan oo Beesha kasoo jeeda, kuwaasoo qaatay derajooyinka ciidammadda qalabka sida ee dhawaan la siiyay Ciidan weynaha.
Askartaasoo qaatay Derejooyin sar-sare oo u dhexeeya Xadhigle ilaa Kabtan Dalka oo dhan, tiradooduna gaadhayso dhawr iyo labaatan ilaa sodon ku dhawaad, ayaa
Xaflad loo sameeyay oo ka qabsoontay Magaalada Hargeysa , waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Gaashaan-dhiga, Xildhibaano, madax-dhaqameed iyo masuuliyiin kala duwan oo beesha ka soo jeeda.
Boqorka beesha Gabooye Boqor Ugaas Iimaan Axmed, ayaa sheegay inay xukuumadda uga mahad celinayaan derajooyinka ciidammadda ee la hirgeliyay iyo sida xubnihii beeshooda kaga jiray ciidamaddu ay u qaateen mid kastaaba derajadii uu mudnaa, isagoo arrintaas ka hadlayayna
waxa uu yidhi “Xafladan aanu maanta (shalay) isugu nimi waa mahad-naqa aanu uga mahad-celinayno masuuliyiinta iska xilsaartay in si cadaalad ah ugu qaybiyaan ciidamada kala duwan derajooyinka markaas ka boqor ahaan waxaan hambalyo u dirayaa cid kasta oo gacan ka gaysatay oo ugu horeeyo Wasiirka Gashaandhiga Somaliland iyo guud ahaanba xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.”
La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Barkhad Jaamac Xirsi oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay go’aansadeen inay xukuumadda uga mahad celiyaan derajooyinka ciidammadda dalka la siiyay guud ahaan gaar ahaanna, kuwa beeshooda, waxaanu yidhi “Derajada ka sakow waxa cad kollay bulshadan dhibaato dhaqan ayaa ku dhacday oo cabashadooda la arkayey,waxa maanta noo sharaf ah haddii aanu nahay beel-waynta Gabooye intaan meel isugu nimaadno inaanu ka mahad celino derajooyinkii lagu taxay ciidammada ka soo jeeda beesha, sharaf ayay noo tahay tusaale muuqda waxa ay u tahay beelaha Somaliland ku dhaqan.”
“Waanu ognahay xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inta ay joogtay isbedal badan ayaa dhacay laakiin maanta waxa gun noqon doona oo ay gunimadu raaci doontaa cid wixii loo qabtay sheegi wayda ee iska indho tirta,waxa maanta gob noqon doon cid sida aanu u aqbalnay derajada u aqbasha,”ayuu yidhi la taliyaha Madaxweynaha oo isna ka soo jeeda beeshaasi.
Md. Barkhad Jaamac waxa uu ammaanay ciidammadda dalka ee u taagan ilaalinta nabadgelyadda iyo difaaca waddanka, waxaanu yidhi “Waxa maanta noo sharaf ah oo si wanaagsan aan u ammaanayo gaar ahaan sida amniga qaranka u xilsaaran oo habeen iyo maalinba heegan u ah in ay dhulka ka dhiciyaan cadow kasta oo Somaliland ku soo duula ayaa maanta sharaf iyo maamuus leh.”.
Inkasta oo xubnaha beesha qaarkood arintan ka mahad sheegteen, una muuqdaan sidii qayb ka mid ah oo loo sad-buriyay, hadana Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo ka mid ah Madaxdhaqameedka Beeshaasi, ayaa gaashaanka ku dhuftay in beeshoodu heshay xuquuq ama saami aanay xaq u lahayn oo si kale loo siiyay.
Suldaanka ayaa sheegay in Askarta Derejooyinka la siiyay beeshu ay qaateen wixii ay xaqa u lahaayeen oo ay kala simanyihiin kuwa ka soo jeeda Beelaha kale ee somaliland, isagoo xusay inaan loo arkin wax loogu sadburiyay beel ahaan, aaminsanyihiina in wali wax ka maqanyihiin.
“Askartan Derejooyinka la siiyay anigu waxaan u arkaa in waxay xaq u lahaayeen ay heleen, waxna ka maqanyihiin beel ahaan hadii la eegayo oo iminka niman dhalinyaro ah oo ka soo baxay Kuliyadda Bilayska, mid ka mid ah wali waxba lama siin, laakiinse annagu waxaanu u aragnaa inay xaqoodii oo ay Bulshada kale kala simanyihiin ay heleen, waayo dad dalka u dhashay, degen oo xaq ku leh ayaanu nahay” ayuu yidhi isagoo la hadlay Gobanimonews.
Geesta kale Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Mudane Axmed Xaaji Cali Cadami oo ka hadlay gunaanadkii xaflada loo sameeyay Ciidankan la maamuusay, ayaa beesha Gabooye uga mahad celiyay tallaabadda waddaniyada leh ee ay ku taageereen hirgelintii derajooyinka, waxaanu tilmaamay in beelaha kale ee Somaliland-na looga fadhiyo inay iimaansadaan cid walba wixii ay ka heshay derajooyinkaasi.
Inkasta oo Xukuumaddu ka dareen celisay maamuuska ay Gabooyuhu u sameeyeen Askarta loo dalacdsiiyay, hadana Suldaan Naasir oo qodobkan Ciidamada ka hadlaya ayaa yidhi “Beesha Gabooye Xaga Ciidamada marka la eego waxba kuma laha Hogaamada Ciidamada kala duwan, Taliye qaybeedyada,, taliye ku-xigeenada iyo xataa hogaan ku-xigeeno”.
Kala aragti duwanaanshiyaha Beesha dhexdeeda ee helida xuquuqda ay ka helaan saami-qaybiga dawliga ah, ayaa muujinaya inay qoloba si u aragto “Beesha Gabooye waxay ka mid tahay Beelaha Somaliland, waxaanu nahay dad dalka wax ku leh, laakiinse dad qaar ayaad moodaa inay u arkaan inaanaan wax nala siiyo maahee wax kale xaq u lahayn”ayuu yidhi Suldaan Naasir oo mawduucan ka hadlay.
Laakiinse hadalka Masuuliyiinta Beeshu ka sheegeen Xafladan, ayaa u muuqda mid badhi-taaraya dood sanadkan bilowgiisii taagnayd oo ku saabsanayd in Beelahaasi iyo Haweenka Somaliland Goleyaasha la soo doorto Kuraas Kooto ah looga sameeyo, taasoo aanay beeshu mawqif ahaan meel ka wada taagnayn, hadii dhinaca sharciga laga eegona noqonaysa mid bulshooyinka lagu kala qaybinayo oo Dastuurka ka hor imanaysa.
Dhinaca kale hadii laga eego Beeshaasi Goleyaasha Baarlamanka iyo Deegaanada toona xubno kagama jiraan, taasina waa caqbad ka mid ah arimaha bulshada Beesha Uur ku taalada ku reebay, tusayna in awood lagu muquuniyay.
“Beesha waxa halkan dhigay isku tashi la’aan,hadii ay isku tashadaana waxa xaqiiqo ah inay Xildhibano badan la soo bixi karaan, taasaanan hada doonaynaa sidii aanu uga shaqayn lahayn ee beeshu midoobi lahayd”ayuu yidhi Suldaan Daakir oo arintan muddo ka hor Gobanimonews uga waramay.
Ma jiro qof dafiri kara in Beel-weynta Gabooyaha laysku yidhaahdo iyo beelaha kale ee soo raaca, sida Tumaaluhu ku dulman yihiin ka muuqashada Saaxada Siyaasadda ee Somaliland, haysana miisaan ku filan marka la eego Baaxadda ay le’eg yihiin kulaylka dhawaaqyada ay isku muujinayaan oo ah kuwo mar walba taagan.
Waxaase la aaminsanyahay inay iyaga laftoodu khaladka laga galay qayb ku leeyihiin,isla markaana daayaceen fursado badan oo ay haystaan, inta dooddooda la dhegeysanayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com